Saturday, April 27, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

AFRAX: XILKAS KAALIN GALAY

W/Q. Cabdiraxmaan Yuusuf, Siciid-Beegsi Maxamed, Cabdicasiis Guudcadde, Magan I. M, Saxardiid Axmed iyo Jaamac Galdegsi

Arar

Sida uu qabo qoraaga iyo saxafiga reer Nayjeeriya, Abubakar Aadan, “Marka (waxqabadka suugaaneed) la faafiyo ama dadweynaha loo bandhigo,” loo ma baahna in uu qoraagu “difaaco ama u qiil dayo” sababtii iyo nuxurkii uu u qoray. “Waxqabadku waa in uu isu hadlaa, waayo marka aynu wax qorayno xudduntu, ma aha nafteenna e, waa waxyaabahan aynu qornay.”[1]

Dr. Maxamed Daahir Afrax

 Tabtaas si u dhow ayuu Afrax qudhiisu uga cudurtaartay in uu ka sheekeeyo nuxurka iyo farriinta qisadiisa Maana-faay, mar magaalada Birminhaam bandhig loogu qabtay. Wuxuu ku adkaystay in aanay “arrin u taalla” ahayn in uu buugga ka hadlaa, oo taasi tahay hawl sugaysa dadka akhriya ee faaqida.[2] Labada qoraaba waxa ay u maragfurayaan in qoraaga waajibkiisu yahay qoritaanka, ee ayna masuuliyaddiisa ahayn in uu gorfayntana ku darsado oo wixii uu qoray uu sharraxo oo lafaguro: Qofku wax uu akhriyay buu gorfeeyaaye, wax uu qoray ma gorfeeyo!

Sababtaas baannu, annaga oo ka mid ah akhristayaashii Afrax, qoraalkan u agaasinnay. Waa dadaal aannu ku rabno in aannu ku gudanno xilka akhristaha. Sidoo kalana, lagu niyad san yahay in uu xus iyo weynayn u noqdo marxuun Maxamed Daahir Afrax (1952-2021).

Si, haddaba, aannu waajibkaa uga soo baxno, qoraalkani waxa uu akhrin guudmar ah iyo faallayn ku samaynayaa waxqabadyadii qornaa ee Afrax. Caqabad aan indhaha laga qarsan karin baa qoraalkan isku gudubtay: Qoraalladii Afrax dhammaantood la ma heli karo—qaar aan daabacnayn iyo kuwo saaxadda ka baxay bay isugu jiraan—sidoo kalana inta la hayo lagu ma soo koobi karo erayo u xaddidan sida qoraalkan. Xalka uu qoraalkani door bidayaa waa in uu ku ekaado waxsoosaarkii Afrax intii uu ka gaadhay, diiraddana saaro daliilka loo heli karo in Afrax ahaa qoraa xilkas ah oo af iyo addinba u taagnaa horumarinta afka, dhaqanka, iyo aqoonta ummaddiisa.

Gogoldhig

Maxamed Daahir  Afrax  wuxuu ahaa qoraa suugaanta allifa, sheekooyin daabacan iyo riwaayado leh; isla markaana faaqida fanka, gorfeeyana waxsoosaarka halabuur ee dhiggiisa, siiba masraxa; suxufi iyo mutacallin daraaseeya dhaqanka iyo waayaha bulshada; raadna ku leh qalinka iyo halabuurka Soomaalida.

Wuxuu 1952kii ku dhashay Jarriiban, Mudug, Soomaaliya. Berigaa waxa lagu jiray xaalad kalaguur ah. Soomaalidu waxa ay u kala hayaamaysay noloshii reer miyinnimo, oo ah tii ay u badnayd ee soojireenka ahayd, iyo habnololeedka casriga ah. Dhanka kalana, waxa aloosnaa dhaqdhaqaaq gobannimaddoon, waxa ayna ummaddu isaga tallaabaysay labada hir ee gumaysi iyo xornimo.

Afrax, bilowgii tacliintiisa, dugsi laguma darin ee isaga ayaa loox qaatay oo hadba macallinka uu la kulmo xaraf ka xarriiqanayay, suuradna ka marsanayay, ilaa uu sidaas ku dhammeeyay jiska kowaad ee Quraanka. Dabadeedna, kolkii waalidkiisu ka garaabay dadaalkiisa mintidnimada ah iyo ilaa heerka uu aqoonta u xilqabo, malcaamad baa la qoray, wuxuuna Quraanka ku xafiday bilo lix ka yar—waa sababta ay ugu baxday naanaysta Quraan-ka-adag.

Muddo ka dib, isaga oo sagaal jir ah buu waalidkii ka qalqaalsaday, kuna qanciyay, in Muqdisho loo diro, si uu fursad ugu helo waxbarasho nidaamsan. Dugsiga hoose, dhexe, ilaa sare wuxuu ku dhigtay Muqdisho. Dadaalkiisuna wuxuu suuragaliyay in uu waxbarashadii iskuulka ku gebagebeeyo muddo ka yar sannadihii caadiga ahaa, sababta  oo ah fasalka uu fadhiyo uun ku ma ekaan jirin ee waxa kale oo uu imtixaannada la geli jiray hadba galaaska ka sarreeya.[3] Jaamacadda Cadan ee dalka Yaman ayuu 1984kii ka qaatay shahaadada kowaad, isaga oo ka diyaariyay isbarbardhigga suugaanta iyo masraxa. Sannadkii 1990 ayuu dalka Ingiriiska u gudbay. Shahaadada sare ee PhD ayuu ka qaatay Jaamacadda SOAS ee Landhan, wuxuuna ku takhasusay suugaanta Soomaalida.[4]

Afrax intii uu dugsiga sare ku jiray buu bilaabay qoraalka. Wargeyskii Xiddigta Oktoobar, qaybtiisa Carabiga, ayuu sheekooyin iyo maqaallo ku faafin jiray—maaddaama: 1) aan berigaa fartan Soomaaligu degsanayn, 2) tacliintiisa asaasiga ahi Af Carabi ku baxaysay, sidoo kalana 3) Xiddigta Oktoobar ay keliya afafka Talyaaniga, Ingiriisiga, iyo Carabiga ku soo bixi jirtay wixii ka horreeyay Jan. 21, 1973.[5] Markii Far Soomaaliga la hirgeliyay, 1972, wuxuu hormuud ka noqday qalinleydii taabbagelisay adeegsiga farta ee bilowgiiba waxsoosaar macne leh ku qortay Af Soomaaliga (soosaarid wargeys, sheeko, maqaal ilaa buug)—sida aannu qaybaha danbe ee qoraalkan ku tusaalayn doonno. Maalintaa ilaa maantana, kaalin jidbixiyeennimo ayuu Afrax ku lahaa qoraalka Af Soomaaliga—halabuur suugaaneed iyo qoraal cilmi ahba (noofalkiisa Maana-faay, metelan,iyo buuggiisa faaqidaadda ah ee Fan-masraxeedka Soomaalida).

Nin yaraan ku kaalingalay buu ahaa, tacliinta ka sokowna garasho qumman iyo fahmo badnaan u dhashay, dadaal iyo kartina raacsaday. Taa maraggeedana waxa aynu kaga gaabsan karnaa: in uu shan jirkiisaba loox jiitay oo waxbarasho raadsaday; in uu Quraanka ku dhammeeyay wax ka yar lix bilood; iyo buuggiisa Maana-faay, ee aan kitaabka Quraanka ah waxba ka xajmi yarayn, in uu ku qoray wax ka yar laba bilood!

Tan iyo kolkii uu dab ka baydhay, wuxuu u kala geeddiyay gobollo, dalal iyo nololo kala duwan: miyi iyo reer magaalnimo, qurbe iyo qaxoontinnimo. Duruufahaa kala geddisan wuxuu ka taransaday waayo’aragnimo, aqoon, ogaal, luqad, lahjad iyo bisayl qofnimo… Dabadeed waxa samaysmay Afrax ka cokan hiddaha iyo casrigaba, raacdeeyana gobannimo ummadeed iyo ilbaxnimo dhaqan; iyo samaddoon qalinkiisu u sahan tago tanaadka ummadeed ee ku aaddan feker, dhaqan, aqoon, siyaasad, taariikh iyo fanba. Samaddoonnimadiisa iyo ilbixintiisuna ku ma ekayn eraygiisa qoran ee mararka qaar buu addinna ku darayay, sida waxqabadkiisa laga dheehan karo.

Halabuurka Afrax waxa dhaqaajinayay oo shidaalinayay, sida uu qudhiisu cabbiray, “damiir damqada.”[6]Hadba qodob dareen leh oo qalbigiisa huriya, maankiisana cariya, ayaa qoraalkiisa dararin jiray. Qalinkaa miiggan ee damiirku hagayo, ee aan ka gabban tilmaanta mushkiladaha bulsheed ama siyaasadeed, wuxuu Afrax ku mutay xabsi, cabbudhin iyo debedmeernimo siyaasadeed. Tusaale ahaan, sannadkii 1980, markii uu bilaabay sheekadiisii Galti-macruuf, ee qaybtii 37aad ay wargeyska dowladda ku soo baxday, ayaa la mamnuucay isagana la xidhay. Markii la soo daayayna, dalkaba wuu ka cararay.[7]

Labaatankii sano ee u danbeeyay noloshiisa, Afrax wuxuu u badnaa Jabbuuti iyo Muqdisho, isaga oo qayb ka ahaa dadaallada dhismaha dowladnimo ee Soomaalida. Alle ha u naxariisto e, wuxuu magaalada Landhan, carriga Ingiriiska, ku xijaabtay 09. 10. 2021—iyadoo ay afartan jirsatay sheekadiisii Maana-faay (1981).

Haddaba, waaxaha danbe ee qoraalkeennan waxa aynu ku eegi doonnaa kaalintii Afrax ee horumarinta qoraalka Af Soomaaliga, dhaqanka, fanka iyo suugaanta; iyo, welibana, samaddoonimadii iyo doorkii qalinkiisa ee u jidbixinta cilladaha bulshada. Si taasi u suuragashana, waxa aynu faallayn doonnaa qaybo ka mid ah waxqabadyadiisa qoran.

Afrax iyo Afka

Afkeenna Hooyo waa jiritaankeenna. Waa aayaha ubadkeenna.”

M D Afrax

Afku waa adhaxda dhaqanka, dhaqankuna waa summadda jiritaanka ummadeed lagu yaqiinsado. Waa rukun weyn oo ay ku tiirsan yihiin dhammaan astaamaha qeexa jiritaanka mujtamac kasta, sida caadooyin, fikrado, iyo fan. Afku waa halbowlaha waraabiya xididka uu jiritaanka bulsho ka tallaalan yahay. Ummaddii afkeedu hagaaso, ee uu noqdo mid aan jaanta la qaadi karin afafka nool ee uumiyaha kale, adhaxda ayay ka jabtaa. Sidaa darteed, garashada hagaagsani waa ay qiyaasi kartaa inta uu la’eg yahay xilka bulsho walba ka saaran ilaalinta, horumarinta iyo hodminta afkeeda.

Af Soomaaligu waa af tabaadi ah oo hodannimadiisu la miisaan tahay ta ku dheehan murtida iyo suugaanta uu xambaarsan yahay. Tan waxa maraggeeda furay aqoonyahanno sokeeye iyo shisheeyaba ah. “Waa af hodan ah oo soojiidasho leh,”[1] ayuu yidhi Georgi Kapchits oo ka mid ah shisheeyaha bartay, baadhay, una dhaadhacay dhuuxa hoose ee murtida Soomaalida. Barta ay hodannimada u weyn ee Af Soomaaligu taallaa waa suugaantiisa dhexdeeda. Waa kii Macallin Guush, Andrzejewski, kolkii ay naftu ka gurmaysay, Soomaalida ku sagootiyay, “Waxaad tihiin ummad weyn, waanad tihiin dad hibo leh.”[2]  Hibada uu Macallin Guush Soomaalida ku majeertay waa ta uu afkeedu xambaarsan yahay ee maanso iyo murti kalaba ah.

Laakiin sooyaalka hore ee nolosheenna ka ma muuqdo wax raad ah oo marag u noqon kara in aynu ahayn ummad ku baraarugsan xilka ka saaran ilaalinta iyo koolkoolinta afkeeda hodanka ah ee suugaantu udubdhexaadka u tahay. Tan sababteeda waxa aynu ku fasiri karnaa in aynu waqtigaa ahayn bulsho aanu afkeedu qoraal lahayn. Af aan qoraal lahayn, sida ay na la tahay, waa ay adag tahay in la koolkooliyo oo boodhka laga tumo erayadiisa sii dabargo’aya ee ku galbanaya godkii ay ku hoydeen dadkii maalinlaha u adeegsan jiray.

Caano daatay dabadood la qabay ee, Af Soomaaliga in loo yeelo far lagu qoro oo rasmi ah waxa sannadkii 1972kii go’aamiyay oo fulintiisana ku dhiirraday taliskii Kacaanka Soomaaliya. M D Afrax oo waqtigaa barbaar ahaa wuxuu ka mid ahaa farakutiris u jeellanaa afkooda oo yeesha far rasmi ah. Tan waxa inooga marag ah in Afrax kolkii hirgelinta farta Soomaaliga laga joogay muddo ka yar lixdan maalmood uu noqday qofkii u horreeyay ee soo saara wargeys madax bannaan oo ku qoran Af Soomaali fartiisu tahay tan la hirgeliyay.[3] Wargeyskaasi Codka Jubba ayuu ahaa, oo uu 1972kii ku asaasay magaalada Kismaanyo, Af Carabi iyo Af Soomaalina ku soo bixi jiray.

Si la mid ah sidii uu taliska Kacaanku ugu dhiirraday fulinta go’aankii uu ku hirgeliyay Far Soomaaliga ayuu Afrax ugu dhiirraday in uu wax ku qoro oo fekerkiisa ku fidiyo Af Soomaali. Wax laga yaxyaxo iyo ceeb bay la ahayd in afkiisa hodanka ah oo leh far rasmi ah uu ka doorbido in uu af qalaad wax ku qoro. Isaga oo ay abbaartiisu tahay rag ka cudurdaartay, oo ku dhiirran waayay in ay Af Soomaaliga oo ah afkooda hooyo wax ku qoraan, oo doortay mid qalaad, wuxuu Afrax beri hore yidhi, “Afaf dadkii lahaa guteen xilkii ka saarnaa horumarintooda ilaa intee bay [i]noo noqon karayaan gabbaad aan uga indha-qarsanno kii hooyadeen [in]nagu anqarisay oo ah kan keliyee ay nagu fahmi karto?”[4]

Afrax ku ma dhiirran oo qudha in uu afkiisa farta yeeshay ku allifo sheekooyin, sida sheekada Guur-ku-sheeg (1975), kuna soo bandhigo fikrado, ee sidoo kale wuxuu u babacdhigay in uu daaha ka faydo in Af Soomaaligu yahay af cudud u leh in uu gudbiyo aqoonta casriga ah. Waa kolkii uu toddobaatannadii bilaabay in uu Af Soomaali ku qoro faaqidaad majare cilmi ah raacaysa oo faallaynaysa fanka masraxa Soomaalida. Faaqidaaddan oo waqtigaa si goosgoos ah u soo bixi jirtay, waa tii kolkii danbe noqotay buug muggii: buugga Fan-masraxeedka Soomaalida.

Afrax wuxuu qabay in cawska jiilaal ee lamahuraanka ahi uu kol walba yahay afkiisa hooyo, ummaddiisana adeegsigiisu waajib ku yahay—iyo darsiddiisa iyo kobcintiisuba. Wuxuu rumaysnaa in macnaha uu eray qalaad xambaarsan yahay eray Af Soomaali ah oo qaadi kara la heli karo ama la tidci karo. Metelan, buuggiisa Fan-masraxeedka Soomaalida wuxuu ku dhex adeegsaday erayo firkoodu Soomaali yahay, iyo qaar dhalan Soomaaliyeed yeeshay, oo uu ku beegay kuwo qalaad, oo aynu tusaale u soo qaadan karno saddexda eray ee faaqidaad, fan-masraxeed iyo hagid oo uu ku toosiyay:  criticism, dramatic art iyo directing. Kolkii uu Afrax sidan yeelayay waxa hubanti ah in uu ka war hayay in turjumidda qummani ay afka baaxaddiisa waasiciso, isla kolkaana waxtar ku biiriso.

Kolkii wax qaran u egi uu 1991kii ka burburay Soomaalidii Jamhuuriyadda, Afrax wuxuu u ambabaxay oo xil kii hore ka weyn iska saaray daryeelka afkiisa iyo badbaadinta ummaddiisa. Wuxuu kaalinta ugu sarraysa ka qaatay dadaallo lagu abuuray madalo u darban ururinta, dhaqaalaynta iyo darsidda dhaqanka, afka iyo suugaanta ummaddiisa: Hal-abuur, 1993; Somali PEN, 1996; AGA, 2012.

Halkan ka akhri Maqaalka oo dhan: Afrax: Xilkas Kaalin Galay

W/Q. Cabdiraxmaan Yuusuf, Siciid-Beegsi Maxamed, Cabdicasiis Guudcadde, Magan I. M, Saxardiid Axmed iyo Jaamac Galdegsi
Email: [email protected]

——————-
Lifaaq:
[1] An Interview With Abubakar Adam Ibrahim By Haneefah Abdulrahman, “Literature Humanizes People In A Way Journalism Does’nt.” Literature Voices, Oct. 17, 2021. URL: https://literaturevoices.com.ng/literature-humanizes-people-in-a-way-journalism-doesnt-an-interview-with-abubakar-adam-ibrahim-by-haneefah-abdulrahman/

[2] “Qisada Buugga Maana-faay,” ABDI ASKARI TUBE, Sept. 10, 2019, URL: https://youtu.be/SxKgq-pS-ik.

[3] Cabdifataax Nuur “Ashkir” (2020), “حوارتي مع رموز صومالية وأجنبية”, bogagga  95-98.

[4] Cilmibaadhista uu PhD ku qaatay wuxuu cinwaankeedu ahaa Between Continuity and Innovation: Transitional Nature of Post-independence Somali Poetry and Drama 1960s – the Present. Waa daraasaddii u horreysay ee ifisay in suugaanta Soomaalida ee Gobannimada ka dib ay yeelatay weji kalaguur ah oo u dhexeeya sidii la isugu miisaami lahaa, maaddaama dowladnimo la galay, dhaqankii soojireenka ahaa iyo waayaha casriga ah. Waxa xilligan ka muuqda, ayay cilmibaadhistu ku doodday, suugaantii afka uun laga gudbin jiray oo qoraal u guurtay, hiddihii degelkiisa ku koobnaa oo caalamka u furmay, iyo wax kasta oo isbeddel ah oo ay wadatay nolosha magaaloobiddu.

[5] Taariikhda Xiddigta Oktoobar ka sii fiiri buugga Qalabka Warfaafinta ee ay 1976 soo saartay Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha, bogagga 30-31.

[6] Ka daawo: “Qisada Buugga Maana-faay,” ABDI ASKARI TUBE, Sept. 10, 2019, URL: https://youtu.be/SxKgq-pS-ik.

[7] Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), “Waayihii Dr. Maxamed Dahir Afrax: Xusuus Toolmoon iyo Raad aan Tirmeyn,” Wardheer News, Oct. 26, 2021. URL: https://wardheernews.com/waayihii-dr-maxamed-dahir-afrax-xusuus-toolmoon-iyo-raad-aan-tirmeyn/


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.