Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Afku waa Furaha Horumarka

W/q: Faarax X. Maxamed Canbaashe

Sannadkii 1999 ayaa hay’adda UNESCO waxay u astaysay 21ka Feebaraayo Maalinta Caalamiga ee ‘Afka Hooyo’.

Qeexitaanno kala duwan ayaa laga bixiyaa ‘Afka hooyo’. Mar waxa lagu macneeyaa afka ugu horreeya ee ilmuhu guriga ku barto, kaas oo uu inta badan ka barto labadiisa waalid ama midkood. Waxa marar kale looga jeedaa dalka iyo meesha uu u dhashay, waxa kale oo lagu tilmaamaa asalkiisa iyo dhalashadiisa. Meelo kale ‘Afka hooyo’ waxa loo adeegsadaa qoladiisa iyo haybtiisa isirninmo; sida waddamada qaaradaha Aasiya iyo Afrika (Tusaale : waddamada Hindiya iyo Kiinya qofka afkiisu waxa uu u taaganyahay qabiilkiisa).

Dhinaca kale afka koowaad ee qofku, khasab ma aha in uu yahay ‘afkiisa hooyo’. Waxa dhici karta in uu qofku isaga oo yar uu laba af barto. Waxa iyana marar badan kala duwan afka uu qofku ku hadlo ama uu si joogto ah u adeegsado iyo kii uu asalkii hore u dhashay, ama waalidkii ku wada xidhiidhi jireen.

Taariikh ahaan waxa ay xeel-dheerayaasha afafku tilmaamaan in eray bixinta ‘Afka hooyo’ ay markii ugu horraysay adeegsadeen wadaaddadii Kiristanka ee mad-habta Kaatholiga, marka ay dadka ku wacdiyayaan luqad aan ahayn ‘Laatiin’. ka dibna waxa isticmaalay oo faafiyey quwadihii isticmaarka ee reer yurub.

Si kastba ha ahaatee, afku waa astaanta ugu mudan ee ay bulsho isku afgarato, si wada jir ahna ugu fekerto, kaasoo ka sooca ummadaha kale, isla markaana ay ku gaadhi karto horumar. Ummad walba waxa horumarkeedu le’egyahay inta afkeedu horumarsanyahay.

Wadan waliba waxa uu ku tanaadaa oo ku horumaraa afka rasmiga ah ee dadkiisu ku hadlaan. ‘Biyo sacabadaada lagaga dhergaa’ Tusaale ahaan waddamada ku bahoobay Ururka Yurub, mid waliba afkiisa ayaa si rasmi ah loogu aqoonsnayahay in uu yahay afka rasmiga ee Midawga Yurub (EU). Qoraagii Umberto Eco oo u dhashay Talyaaniga ayaa ku jawaabay mar la weydiiyey in luqadda yurub ay tahay ‘turjumidda’. ‘Translation is the language of Europe’. Isaga oo ujeeda in aanay jirin luqad keliya oo ka dhexaysa reer yurub, ee qolo waliba cadkeeda afkeeda ku goosato.

Ummadda Soomaaliyeed oo la daalaadhacaysa duruufo kala duwan, ayaa waxa la rumaysanyahay in afkeedii uu marayo meel halis ah.

‘Akadeemiyada Goboleedka Af- Soomaaliga’ ayaa waxay sannadkan halkudhig uga dhigtay maalinta xuska afka hooyo; ‘Afka hooyo waa furaha horumarka ‘ haddaba si looga midha dhaliyo halkudhiggaa waxa loo baahanyahay in loo guntado sidii loo horumarin lahaa afka, loona gaadhsiin lahaa heer sare oo la jaanqaada himilooyinka ummadu higsanayso.

Abwaankii wadaniga ahaa ee Sooomaliyeedna ‘Xaaji Aadan Axmed Xasan AfQalooc’ waa kii lahaa isagoo tilmaamaya libintii iyo guushii qoritaanka farta:

Muddo boqol gu’yaa dhaqankaygu nagu magoognaaye
Maantuu bilow yahay codkeen oo laysku maamulo’e
Ka macaan magaabada listiyo malabka Daaloode
Maskaxdii jirroon dayuxu waw madow yahay
In yar oo qalbiga maal ku leh baa ka murugoone
Waa mahado taariikhi ah iyo madhax la tuugaaye
Ku mintida afkii hooyo waa lagama-maarmaane

W/q: Faarax X. Maxamed Canbaashe
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.