Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Adduunyada nin noolow maxaa aragti kuu laaban: Siyaasadda madaxa ku socota ee Soomaaliya!

W/Q Ruqiya Aw-Maxamed Faarax

Markaynnu eegno qaabkii ay ku soo baxeen xubnaha Puntland u galaya aqalka sare ee Federaalka Soomaaliya oo la go’aamiyay taariikhdu markay ahayd 11/08/2021, waxaa hubaal ah in erayada “Tartan”, Doorasho”, “Xulasho” iyo “ku Maxlalasho” oo dadku u adeegsanayaan hab siyaasadeedkan cusub ay macne kale yeesheen.

Murashaxiintii Aqalka Sare, ee Puntland

Qaabkan siyaasadeed ee madaxa ku socda ma ahan wax ku kooban Puntland ee waa masiibo hor leh oo waayahan dambe ku soo korortay burburka iyo siyaasad xumada dalka Soomaaliya hareeyay. Laakiin waxaan dhaqankan iyo wax la mid ah toonna laga filayn Puntland oo sheegata inay Federaalka Soomaaliya hooyo u tahay lana rabay in hab-dhaqanka siyaasaddeeda iyo maamulkeedu tusaale lagu daydo u noqdaan maamullada kale oo Puntland gadaasheed dhashay.

Waxaan marka hore isku dayayaa bal inaan qeexo macnaha erayadan gaar ahaan si ay u fahmaan dadka barashada afka Soomaaligu dhaaftay (sidaynnu baarlamaanka Puntland uga jeednaba markii xulashada xubnahaasi socotay).

  1. Erayga ‘Tartan’ waxaa loo adeegsadaa markii laba qof ama in ka badani ay wax ku baratamayaan oo ay rabaan inay ku guulaystaan waxa lagu baratamayo oo aan qof kasta la siin karin ama aan ku wada filnayn iyagoo soo bandhigaya waxa ay qofka kale ama dadka kale dheeryihiin taas oo ay ku mutaysteen inay ka guulaystaan kuwa kale. Tusaale ahaan, marka kaalin shaqo loo tartamayo iyadoo la qeexayo waxa la iska rabo inuu qofku la yimaaddo. Waxaa kale oo lagu tartamaa ama baratamaa waanoocyada kala duwan ee ciyaaraha iyadoo la adeegsanayo awoodaha jirka, xirfado iyo aalado si loogu kala guulaysto billado iyo kaalimmo kala duwan sida orodka, booddada, tartanka baabuurta, fardaha, iwm. Erayga ‘tartan’ (race/competition) wuxuu asal ahaan ka soo jeedaa ciyaaraha orodada oo midhaa ugu horreeyay wax lagu tartamo ama baratamo. 
  • Erayada  ‘Doorasho’ iyo ‘Xulasho” asal ahaanwaa isku macne. Waxaana loo adeegsadaa markii waxyaalo kala duwan loo soo bandhigo hal qof ama koox kuwaas oo ay xor u yihiin inay mid ama wax ka badan ka dhex doortaan ama xushaan. Tusaale: dhowr shaar oo kala midabbo duwan midkood dooro ama xulo!
  • Erayga “Maxlalasho” waxaa la sheegaa in loo adeegsan jiray guurka. Waana marka nin rabo inuu xaaskiisa oo uu furay (dalqadihii oo dhammi ka dhaceen) ku noqdo. Haddaba maaddama uusan toos ugu noqon karin, waa in la helo nin kale oo haweeneyda guursada oo durba fura (nin aan haweeneyda ama gabadha sii qabayn oo aan xaasnimo ka rabin)! Inta badan waxaa la sheegaa in ninka raba in uu xaaskiisa ku noqdo, inuu soo kaxaysan jirey nin wax la siiyo oo ‘doqon’ ah ama aan ‘raganimo’ weyn lahayn. Arikan oo aanay fasaxin diinteena Islaamku. Waynu garan karnaa u jeeddada ka dambeysa. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: Ushaada waxaa loo dhiibtaa nin aad ka qaadan kartid 

Haddaba, marka erayadan siyaasadda loo adeegsanayo, erayga ‘tartan’ wuxuu halkan ugu jiraa sarbeeb ahaan (metaphor) maaddaama loo tartamayo in wax lagu kala guulaysto sida orodka oo kale. Erayga ‘doorasho’ siyaasad ahaan wuxuu noqday eray loo adeegsado hab siyaasaddeed oo xor ah (dimoqraati ah) oo gole siyaasaddeed ama shacab si xor ah oo xalaal ah ay ugu coddeeyaan ciddii isku soo taagta inay u tartanto xil, hoggaan ama madaxnimo.

Cod-gadasho ‘doorasho’ ma aha!

Waxa naxdinta iyo yaxyaxa lehi waxaa weeye habka loo adeegsaday iyo qaabkii loo soo bandhigay dadkii loo soo gudbiyay inay ku tartamaan xubnaha Puntland u galaya aqalka Sare ee Federaalka. Waxaa la qoray ‘tirada kow iyo toban magac’ laakiin haddana magac kasta waxaa la hoos dhigay oo lagu lammaaneeye magac kale. Waxaa is-weydiin leh, maxaa dadkaas loo tirin waayay? Maxay tiradii warqadda ku qornayd 22 qof u noqon weyday balse loogu soo koobay 11?

Micnaha meesha ka muuqdaa miyuusan ahayn qofka la tiriyay ee lambarka la siiyay ayaa iska leh oo keensaday qofka kale ee la hoos dhigay? Waa yaabka Yaabkiis!!

Haddii aan indho sarcaad la adeegsanayn, way caddahay in habkan siyaaddeed ku dhisnaa ‘xulasho’ ku salaysan go’aanka Madaxweyne, Siciid Cabdullaahi Deni iyo ciddii ku wehelisay sida oday dhaqameedyada maaddaama xubnuhu ka imanayeen beelaha kala duwan ee Puntland ku nool.

Musharax Kowsar Cabdullaahi Xirsi oo ka mid aheyd dadki tanaasulay

Xaggee ka yimid fikirka ah in shaqsiyaadka la xushay uu mid kastaa qof ka soo kaxaysto jifadiisa ama qoyskiisa si loogu ekeysiiyo inuu kursiga kula tartamayo?  Meesha ma carruur baa riwaayad loo dhigayaa?

In arrintaas sidaas si aan ka ahayn ummadda loogu soo bandhigo ama loogu sheego waa wax xitaa carruurta saqiirka ah aan u qalmin! Waxay ceeb iyo cawaaqib xumo ku tahay shacabka reer Puntland. Waa meel ka dhac loo geystay caqliga shakhsi kasta oo dalka iyo dibaddaba ku nool. Waa jid xun oo ummadda loo jihaynayo oo saameyn weyn ku yeelan doona siyaasad ahaan, damiir ahaan, sharaf ahaan, wanaag iyo anshax ku dhaqanba. Waa maxay casharka ay barayaan madaxda iyo mas’uuliyiinta dalku da’ yarta dhigata dugsiyada, jaamacadaha iyo kuwa jidadka taagan?  Noloshu uma baahna damiir ku haga, xishood, in caddaalad la falo iyo in hufnaan iyo daacadnimo wax lagu xukumo kursina lagu raadsado. Casharka loo dhigayaa waa kaas!

Xulashada shakhsi kursi lala rabo ceeb iyo wax siyaasadda Soomaaliya ku cusub ma aha maaddaama ay qabiil iyo xulasho shakhsi ku dhisantahay guud ahaanba marka laga reebo tan cod gadashada xildhibaannada heer maamul goboleedyo iyo mid Federaalba. Waxaa habboonayd in 11-ka xubnood ee madaxweynuhu magacowday loo gudbiyo Baarlamaanka oo ay ansixiyaan. Micnaha inay hubiyaan (waa hadday awood leeyihiin ama fikirka noocaas ahiba jiro), in shakhsiyaadkaasi u qalmaan inay shacabka reer Puntland siyaasad ahaan ku masalaan aqalka Sare ee Federaalka Soomaaliya kana shaqeeyaan danaha shacabka reer Puntland iyo tan Soomaali weynba.

Maxaase laga filayaa oo shacabka reer Puntland uga soo kordhaya waxa sidaas lagu soo dhisay? Maahmaahda “Hal xaaraan ahi, nirig xalaala ma dhasho” ayaa soo koobaysa jawaabta!

Waxaan sida shacabka reer Puntland oo dhammi ka simanyihiin, jecelahay oo ku naalloonayaa inaan arko Puntland iyo Soomaaliya oo dhan oo nabad iyo xasillooni ka hirgasho, horumar gaara, barwaaqooba oo lagu soo hirto. Laakiin halka waxaas oo dhammi ka unkamayaan waa in la helo siyaasad ku salaysan caddaalad, xishood, xaqdhowr iyo damiir bani’aadaminnimo.

Oraah Soomaaliyeed baa waxay tiraahdaa: maxaa dheriga karka ka keena? “Markaas baa la yiri kulaylka” meeshan hadal jacayl iyo cambaarayn dad gaara looma jeedo ee waa soo bandhigidda dareenkayaga ku aaddan waxa dalkayaga iyo shacabkayaga ku dhacaya!  

Ruqiya Aw-Maxamed Faarax
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.