Muqdisho (WDN)- Warar xog-xogaal ah oo soo gaadhay WardheerNews, ayaa sheegaya in laga abaabulayo magaalada ay Soomaalidu ugu badan tahay dalka Maraykan-ka ee Minneapolis, ee Gobolka Minnesota, mudaharaadyo xooggan oo lagaga soo horjeedo Madaxweyanaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo la filayo in uu dalka Maraykanka ku tago booqasho.
Md. Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu ka qeyb galo shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (General assembly), oo ka dhici doona magaalada New York, bishan Sebtember 18-29.
Dowladda Farmaajo ayaa lagu eedeyanayaa in ay ka gaabisay balanqaadyadii lagu doortay, bishii Feb, 2017, ee wax ka qabashada dhibaatooyinka hadheeyay Soomaaliya.
Warar kale ayaa iyana sheegaya in Md. Farmaajo wax ka badalay qorshihisa booqasho ee gobolka Minnesota, ka gadaal markii ay ku soo war geliyeen abaabulka mudaharaadyada ka dhanka ah ee ka socda magaalada Minneapolis, koox hordhac u aheyd wafdiga Farmaajo oo hadda la sheegay in ay ku suggan yihiin Minneapolis.
Shacbiga Soomaaliyeed ayaa aad u dhaliilsan fadhiidnimada xukuumadda hadda uu horseedka u yahay Farmaajo, iyada oo ku guul darasaysatay muddada labada sanno ku dhow ee ay hoggaanka dalka haysay, khaasatan qorshaha wax ka qabashada dhibaatooyinka ragaaddiyay Soomaaliya, sida Amniga, dhisidda iyo ta’yeynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, la dagaalanka kooxaha Argagixisada iyo qorshayaasha horumarinta dalka.
Waxa kale oo xusid muddan dhawaan shir ay ku yeesheen Dowlad Goboleedyada Soomaaliya magaalada Kismaayo bishan Seb 4-8, ay ku sheegeen in ay dhammaan hakiyeen xidhiidhkii iyo wada shaqeyntii ay la lahaayeen DFS, iyaga oo ku eedeeyay DFS in ay ka wado faragelin toos ah iyo mid dadban-ba iyo qas ay ku wax yeelaynayso jiritiaanka, nabad gelyada iyo horumarka Dowlad Goboleedyada, halkii ay ku taageeri lahayd dadaallada loogu jiro sidii loo dhisi lahaa loona hanan lahaa ammaanka dalka.
Guud ahaan DFS ayaa hadda ay soo foodsaartay xaalad adag oo ay ku lumisay taageeradii iyo rajo-dii ay u hayeen shacbiga Soomaaliyeed.
WardheerNews
Leave a Reply