Muqdisho, Ra’isalwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Md. Xamse Cabdi Barre ayaa amar deg deg ah dul dhigey hay’adaha amniga iyo kuwa gargaarka si ay uga qeyb qaataan xaaladda ammaan iyo mid abaarta ee ka taagan gobolka Bakool ee maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya, kadib weerar xoog leh oo shalay halkaasi ku dhex marey ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Alshabaab.
Qoraal ka soo baxey xafiiska ra’isalwasaaraha Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa amray hey’adaha kala duwan ee amniga iyo gargaarka inay si deg deg ah uga jawaabaan xaaladda gobolka Bakool oo deegaanno ka mid ah ay falal amni darro ah ka geysteen kooxaha argagixisada.”
Raisalwasaaraha ayaa qadka taleefanka kula hadlay madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Md. Cabdicasiis Laftagareen, waxaana uu ka dhagaystey warbixin ku saabsan xaaladda guud ee gobolka Bakool ka jirta ee ku aaddan abaaraha iyo falalka amni darro ee kooxda Alshabaab halkaasi ka wadaan.
Ra’isalwasaare Xamse ayaa ballan qaadey in xukuumaddiisa wax ka qaban doonto xaaladda bini aadannimo ee Bakool isla markaana lasoo afjari doono go’doominta Alshabaab ku hayaan deegaano badan oo gobolkaasi ka tirsan, si ay u suurto gasho in gargaar bulshada halkaasi ku dhaqan loo gaarsiiyo.
Maalintii shalay ayey ahayd markii kooxda Alshabaab weerar culus ku qaadey deegaamada Yeed iyo Aato ee gobolka Bakool oo ay kooxdu sheegay in ay la wareegtey weerarkaas ka dib, waxaana la soo sheegayaa in khasaaro xoog leh halkaasi uu ka dhashay.
Maxamed Cumar Sh. Aadan
WardheerNews, Muqdisho.
Leave a Reply