Nairobi (WDN)– Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay ka laabanayso dacwadda badda ee ka dhaxeysay Soomaaliya, ka gadaal markii Maxkamaddu ay ka diiday codsi ay horey ugu soo gudbisay oo ahaa in dib loogu dhigo sababaha cudurka COVID-19 awgiis.
Wargeyska maalinlaha ah ee Daily Nation ee ka soo baxa Nairobi, ayaa sheegay in Xeer Ilaaliyaha kenya Mr. Kihara Kariuki u diray Maxkamada Caddaaladda Adduunka (ICJ), warqad bishah Maarso 11-kii, uu ku sheegayo in Kenya ay ka laabaneyso dacwadda kadib markii loo diiday codsigeeda dib u dhgista ee arimaha cudurka Covid-19.
Kenya ayaa dooddeeedu ku salaysan tahay in cudurka Covid-19 dartiis aysan helin u diyaar garow ku filan, si ay u soo bandhigto dacwadeeda.
Sidoo kale Kenya waxa ay shaki ka muujisay doorka Garsoore Abdilqawi Axmed oo Soomaalia, kana mid ah Qareenada dacwadda Badda.
Wali ma jiro wax war arsmi ah oo ka soo baxay Maxkamada Caddaaladda Adduunka (ICJ), ku aadan waxa ay ka yeealayso ka laabashada Kenya.
WardheerNews
Leave a Reply