W.Q. Anwar Maxamed Diiriye
Haddii uu ‘hiil afku leeyahay,’ waxa qumman baa ay ila tahay, in had iyo goor loo dhug iyo daymo lahaado, meelaha uu ilduufku ka jiro ee nuglaaday. Haddii bulshada afka ee maanka furani ay sidaa yeesho, waxa hubaal ah, in maalinba meel dayacan la gufeynayo, iyada oo aqoon iyo garasho loogu hiillinayo afka iyo waayihiisa………goor iyo ayaanba!
Haddaba, aniga oo ka duulaya u dhug lahaanshaha hogag marin habaabay, ayaa aan maanta doorbidayaa, in aan idinla wadaago cillad iiga dhex muuqatay shibbahaha ‘hamsa’ iyo nugleeyaha ‘ama’.
Bishii Maaj 2012 ilaa iyo hadda, waxa i soo hor fariisatay arday ka badan 600, oo 40tameeye mooyaane inta kale afka ay marti aan u dhalan u ahaayeen. Ardaydaas in ka badan kala bar, waxay ahaayeen arday hore u soo qaatay afka 3-9 bilood, xilliyo kala duwan.
Waxa nasiibdarro weyn ahayd marka ardaydaas hore afka wax uga soo baratay aan horudhac ahaan u siinayey ablablaynta guud ee afka iyo weliba xarfaha, in mid iyo laba mooyaane intooda kale ayan weligood maqal oo aan macallin Soomaaliyeed ama mid ajnebi ah toonihi aannu u sheegin in ‘hamsa’ tahay mid ka mid ah shibbanayaasha afka Soomaaliga.
Ma garan karo in sababtu tahay is moodsiis ama aqoondarri ka timid xagga macallinka iyo in si kale ay wax u khaldameen, waxaase hubaal ah in ardaydu ay mudnaayeen, in la baro ‘hamsada’ iyo waxa ay afka dhigaalkiisa iyo dhawaqiisaba ugu taal.
Yeelkeede, “HAMSA’ waa xarafka 22aad ee shibbanayaasha afka Soomaaliga. Waxa ay qabataa dhawr hawlood oo la’aantood dhawaqa iyo dhigaalkuba aanay mug buuxa yeelanayn, haddii aan lagu suntin halka ay mudan tahay in ay ku suntanaato.
b) Mar waa dhawaq hojiso, taas oo codka ereyga ay ku jirto u yeesha rako lagu nasto ama lagu hakado. Waxa ay kala reebtaa oo ay cod hojis u noqotaa ereyo aan isku raaci karin dhanka coddeynta in la kala sooro mooyaane, sida ereyo u badan kuwo afka Carabiga ka soo jeeda oo kale, sida Hay’ad.
t) Mar labaadkana, waxa ay kala soocdaa oo dhexda u gashaa codadka ka kooban allano ama shaqallo aan afkeenna dhawaqoodu in la kala sooco mooyaane aanay is raaci karin, sida su’aal, faa’iido, la’aan iwm.
j) Mar seddexaadka, waxa ay hamsadu abuurtaa wax dhimman ama waxa ay tognaanta ku tahay tabnaan ka dhigta, sida la’ (Saxarla’, Ceebla’, Cawrala’, Dhoyla’, Gu’, Go’ iwm).
Magacyadaas haddii laga reebo hamsada, waa ay macne beelayaan, xasilloonida dhawaqa iyo coddeynta ereyaduna waa ay lumayaan.
Sida aad ku arki karto magac Soomaaliga ay raacday hamsadu, waxa kaaga soo baxaya su’aal oranaysa “maxaa ay la’ iyo la ku kala duwan yihiin. Jawaabta oo dul-ka-xaadis ahina waxa weeye, in uu afkeenu leeyahay laba qurub oo kala ah ‘la’ oo ereyga ay raacdo macne gaar ah siisa iyo ‘la’ oo ah xiriiriye ama meeleeye, hadba sida uu ereyga ama weedha u raaco).
****
Nugleyntu waxa inta badan loo baahdaa marka heesaha la saarayo coddeynta iyo dhawaaqyada xarkaha dananka leh ee miyuusigga iyo marka erey ama weedh hore loo yiri mid la mid ah ama ka macne sahlan lagu sidkayo. Xagga coddeynta heesaha, waa ereyo la isku dhirbaaxayo ama la isku jarjarayo, iyaga oo la kala xadayo, si halka ciriiriga ah ee xarriga ama dananiyaha laga tumayo iyo fannaanka ku coddeynaya xargihiisa dhuuntu iskugu saloolmaan ama soohmaan.
Tusaale, haddaad u fiirsato heesta ‘Deeqa’ ee uu ku coddeeyo Axmed Cali Cigaal, weliba qaybteeda hore ee horudhaca ah, ayaad si fudud ugaga bogan kartaa nugleynta coddeynta ereyada maansada.
- xusuus baa i dilootayoo
- qalbigayga doorisoo
- hadba meel u duulee
- ma laygu kaa diray?
- ma adigaa doqonoon
- duunyada wax dhaamin?
- daalaye Deeqaayl
Haddaba, ‘ama’ waa nugleeye u oggolaada adeegsadaha in uu erey ama weedh la yiri uu ku fududeeyo, iyada oo hadba ereyga dambe ama weedha dambe ay ka sahlanaanayso ama la macne noqonayso kii/tii hore loo yiri.
Cillada nugleeyahan iyo isaticmaalka kala haysataana waxa weeye, in inta badan dadka isticmaalaayi ay inta ay erey af Soomaali ah oo qurxoon ku hadlaan ay ‘ama’ ku ladhayaan dabadeedna erey qalaad ku daba taxayaan. Halkaa marka ay marayso, dhegahaagu waxa ay ku hakanayaan ereyada ama weedhaha la isku nugleeyey ee uu qofku adeegsaday, adiga oo markiiba iskula faqaya ‘oo maxaa la nugleeyey? Ma afkaan hooyo ayaa mudan in mid qalaad oo la yiri lagu nugleeyo oo laga daba yiraahdo, mise afka hooyo ayaa mid qalaad oo aan badiyaaba dadka loo laqimayaayi aqoon loogu nugleynayaa?…..Goormaa la doorsoomay!
Halkaa waxa ku jira dhimaal aad u mug weyn, khatartiisana leh oo haddii uu sidaa ku sii socdo xilli aan dheerayn xaaqi doona garashada ereyga ama weedha afka hooyo ee lagu nugleeyey afka qalaad.
‘Ama’ hawsha kale oo ay qabataayi waxa weeye, in ay ereyo tax ah oo isku macne ama kala macne ah, oo af hooyo wada ah ay isku nugleyso, iyada oo ujeedku yahay in dadka qofba kii uu ereyadaas ama weedhahaas la yiri ka garanayo uu ku buuxsado habsami u socodka hadalka ama qormada.
Haddaba, talada aan ku soo gunaanadayo qormadan yari waxa ay tahay, in aan hamsada looga tegin si dhayalsi ama wahsi ah, oo aan dhambalan lagu ridin mugga dhigaalka ereyga afka hooyo; iyo in si taxaddar leh loogu dhug yeesho isticmaalka ‘ama’ iyo nugleynta ereyada iyo weedhaha loo adeegsanayo intaba.
“Ama’ waa in ay ereyga hore nugleysaa, oo ereyga ama weedha dambe u yeeshaa macne ka debecsan faham ahaan ereyga ama odhaahda hore loo yiri, ee ma aha in ereyga la nugleynayo ee hore uu ka sahlanaado kan lagu nugleynayo ee dambe.
F.G: casharkani intaa wuu ka mug iyo baaxad weyn yahay, intanise waa ‘halhaleelkiyo hawlaha adduun, hiirta waabberi, ku hamsiiyaay!
Febraayo 2021, hiilkaygu waa kaa!
W.Q. Anwar Maxamed Diiriye
Email: anwar@usfamily.net
Leave a Reply