Muqdisho, Guddoomiyihii Golaha Shacabka Dawladda F. Soomaaliya Md. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo toddobaadadii ugu dambeeyay xubno ka mid baarlamaanka iyo qaybta fulinta oo uu ku jiro madaxweyne Farmaajo ay cadaadis ku saarayeen in uu xilka iska casilo ayaa lagu soo waramayaa in uu xilka ka degay.
Inkastoo aanu weli Jawaari ka hadal iscasilaaddiisa haddana warqad la sheegay in uu qoray guddoomiye Jawaari oo saaka uu guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Shacabku u akhriyay xildhibaanno ku kulmay Golaha Shacabka ayaa arrintaas lagu sheegay.
Md. Jawaari oo maalmihii ugu dambeeyay ku adkaysanayay in aanu xilka ka degi doonin ilaa inta ay codka u qaadayaan xildhibaannadu ayaan si rasmi ah loo ogayn waxa xilligan soo dedejiyay is casilaaddiisa.
Madaxweyne Maxamed Cabddullaahi Farmaajo iyo Md. Jawaari oo la sheegay in maalintii shalay uu wadahadal ku dhexmaray xarrunta Madaxtooyada ayaa la tuhmayaa in ay kulankaas ku gaadheen go’aanka iscasillaada Md. Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari inkastoo aan wax war ah laga soosaarin kulankaas.
Ololaha gulufkii xilka lagaga tuurayay Md. Jawaari oo laga soo abaabulayay madaxtooyada ayaa hadda u muuqda mid lagu guulaystay. Villa Soomaaliya oo dadaal ugu jirtay in baarlamaanku uu noqdo mid awaamiirtooda ku shaqeeya ayaa hadda diiradda saaraysa ciddii buuxin lahayd xilka uu Jawaari banneeyay.
si kastaba ha ahaatee maalmaha soo socda ayaa lal ogaan doonaa sababta keentay sida dhakhsaha ah ee uu Jawaari isku casilay iyo cidda ay la damacsanatay madaxtooyadu xilka guuddomiyaha cusub ee Golaha Shacabka.
WardheerNews, Muqdisho.
Leave a Reply