Muqdisho (WDN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Labo La-Taliye Sare, oo lagu badaley latiliyaal hore, taasi oo qeyb ka ah qorshaha Madaxweyne Xasan ee dowaladda federaalka la rabo in xilla laga siiyo mucaarad Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Puntland Md Siciid Cabdullhai Deni.
Madaxweyne Xasan ayaa u magacaabay Mudane Axmed Jaamac Maxamed Cillal in uu noqdo La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Dimuqraadiyadda iyo Dowlad Wanaaga, sidoo kalena Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan u magacaabay La-Taliyaha Sare ee Arrimaha Federaalka.
Magacaabista cusub ee labada lataliye ayaa la filayaa in ay sii kala fogeyso xdhiidhka Dowladda Federaalk iyo Puntland.
WardheerNews
Leave a Reply