W/Q Faysal Cabdi Rooble
Hordhac
Bishii Abriil 2016, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar labaad ballan qaaday in uu dar dar cusub gelinayo daryeelka caafimaadka ummadda Soomaaliyeed. Waa arrin macquul ah in la soo hadal qaado xilli uu meel fiican marayo geeddi socodka loogu jiro soo celinta dawladdii Soomaaliya. Hase yeeshee, natiijo wax ku ool ah in laga gaadho daryeelka caafimaadka bulsho weynta waxaa daruuri u ah, in marka hore la iclaamiyo ama la ogaado cilladaha caafimaadka la xidhiidha halka ay ka soo maaxanayaan (mapping issues).
Baahi xooggan oo kala duwan ayaa ka jirta caafimaad darrada bulsho weynta. Kuwa la xidhiidha deegaanka ayaa hadda magaalooyinka Soomaaliyeed ku soo badanaya. Haddaba, su’aashu waxay tahay, sidee wax looga qaban karaa?
Waxaan maqaalkan ku eegayaa halista iyo cudurrada ku soo wajahnaan kara bulshada ku nool magaalada Muqdisho (kani waa maqaalkii lixaad oo kamid ah taxane ku saabsan Muqdisho). Waxaan si gaar ah ku fiirinayaa halista ka imaan karta “qashin-qubka” iyo “qumacyada” lagu ilaabay magaalada gudaheeda.
Waxaa igu dhaliyey maqaalkan in aan qoro, tuhun jira in Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ay dhawaan heshiis la saxiixatay shirkad layidhaa Chinook Urban Mining (CUM); heshiiskaas waxaa uu suurto gelin doonaa in qashin dalka Lubnaan laga keeni doono loogu aaso goobo ka mid ah dhulka Soomaaliya. Arrinta waxay immaaneysaa xilli hay’adaha Reer-Galbeedka, sida Hay’adda Caalamiga ee Lacagta (IMF) iyo Bankiga Adduunka (World Bank) ay rabaan in Soomaaliya dib loogu soo xidho suuqa caalamiga ee badeecadaha lagu kala beddesho, xitaa hadday noqoto qashin qubka.
Inkastoo arrintani hubsiimo dheeri ah u baahantahay, haddana Degelka Goobjoognews waxa uu qoray in shirkaddan CUM iyo Wasaaradda Deegaanka (DFS-WD) ay ku heshiiyeen in Muqdisho lagu shubo, laguna sifeeyo qashin gaadhaya 1.5 metric ton (1.5 Metiric ton) oo laga keenayo dalka Lubnaan. Caddadka ay la egtahay lacagta DFS la siinayo wali lama hubo.
Hase ahaatee, waxa uu degelkaasi qoray in qashinka Lubnaan laga keenayo uu kala yahay sidatan:
1) Qashin noole ka yimid 52% (Saxaro, lafo iwm)
2) Bac 12% ,
3) Waraaqo 16%
4) Bir ama naxaas 6%,
5) Quraarad (dhalo) 4% iyo
6) Waxyaabo kale 10% (oo noqon kare qashin dawooyinka la qubayo la xidhiidha).
Fadlan halkan ka akhri maqaalka Daryeel la’aanta Muqdishu
Faysal Cabdi Rooble
Email: faisalroble19@gmail.com
————–
Faysal waa qoraa wax ka qora kuna xeel dheer arimaha Geeska Afrika, horeyna u ahaa madaxa tifaftirka WardheerNews. Faysal waxa uu hawl wadeen sare ka yahay waaxda Qorsheynta Dawladda Hoose ee magaalada Los Angles.
Leave a Reply