Friday, October 19, 2018
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

DARYEEL LA’AANTA DEEGAANKA MUQDISHO

W/Q Faysal Cabdi Rooble

Hordhac

Bishii Abriil 2016, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar labaad ballan qaaday in uu dar dar cusub gelinayo daryeelka caafimaadka ummadda Soomaaliyeed. Waa arrin macquul ah in la soo hadal qaado xilli uu meel fiican marayo geeddi socodka loogu jiro soo celinta dawladdii Soomaaliya.  Hase yeeshee, natiijo wax ku ool ah in laga gaadho daryeelka caafimaadka bulsho weynta waxaa daruuri u ah, in marka hore la iclaamiyo ama la ogaado cilladaha caafimaadka la xidhiidha halka ay ka soo maaxanayaan (mapping issues).

Mogadishu_downtown
Faras magaalihii Muqdishu

Baahi xooggan oo kala duwan ayaa ka jirta caafimaad darrada bulsho weynta.  Kuwa la xidhiidha deegaanka ayaa hadda magaalooyinka Soomaaliyeed ku soo badanaya. Haddaba, su’aashu waxay tahay, sidee wax looga qaban karaa?

Waxaan maqaalkan ku eegayaa halista iyo cudurrada ku soo wajahnaan kara bulshada ku nool magaalada Muqdisho (kani waa maqaalkii lixaad oo kamid ah taxane ku saabsan Muqdisho). Waxaan si gaar ah ku fiirinayaa halista ka imaan karta “qashin-qubka” iyo “qumacyada” lagu ilaabay magaalada gudaheeda.

Waxaa igu dhaliyey maqaalkan in aan qoro, tuhun jira in Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ay dhawaan heshiis la saxiixatay shirkad layidhaa Chinook Urban Mining (CUM); heshiiskaas waxaa uu suurto gelin doonaa in qashin dalka Lubnaan laga keeni doono loogu aaso goobo ka mid ah dhulka Soomaaliya. Arrinta waxay immaaneysaa xilli hay’adaha Reer-Galbeedka, sida Hay’adda Caalamiga ee Lacagta (IMF) iyo Bankiga Adduunka (World Bank) ay rabaan in Soomaaliya dib loogu soo xidho suuqa caalamiga ee badeecadaha lagu kala beddesho, xitaa hadday noqoto qashin qubka.

Inkastoo arrintani hubsiimo dheeri ah u baahantahay, haddana Degelka Goobjoognews waxa uu qoray in shirkaddan CUM iyo Wasaaradda Deegaanka (DFS-WD) ay ku heshiiyeen in Muqdisho lagu shubo, laguna sifeeyo qashin gaadhaya 1.5 metric ton (1.5 Metiric ton) oo laga keenayo dalka Lubnaan. Caddadka ay la egtahay lacagta DFS la siinayo wali lama hubo.

Hase ahaatee, waxa uu degelkaasi qoray in qashinka Lubnaan laga keenayo uu kala yahay sidatan:

1) Qashin noole ka yimid  52% (Saxaro, lafo iwm)
2) Bac 12% ,
3) Waraaqo 16%
4) Bir ama naxaas 6%,
5) Quraarad (dhalo) 4% iyo
6)  Waxyaabo kale 10% (oo noqon kare qashin dawooyinka la qubayo la xidhiidha).

Fadlan halkan ka akhri maqaalka Daryeel la’aanta Muqdishu

Faysal Cabdi Rooble
Email: [email protected]

————–
Faysal waa qoraa wax ka qora kuna xeel dheer arimaha Geeska Afrika, horeyna u ahaa madaxa tifaftirka WardheerNews. Faysal waxa uu hawl wadeen sare ka yahay waaxda Qorsheynta Dawladda Hoose ee magaalada Los Angles.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2018 WardheerNews, All rights reserved

One Response to “DARYEEL LA’AANTA DEEGAANKA MUQDISHO”


    Fatal error: Uncaught Error: Class 'Roots_Walker_Comment' not found in /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/templates/comments.php:11 Stack trace: #0 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/comment-template.php(1472): require() #1 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/templates/content-single.php(46): comments_template('/templates/comm...') #2 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/template.php(690): require('/home/forge/war...') #3 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/template.php(647): load_template('/home/forge/war...', false) #4 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/general-template.php(155): locate_template(Array, true, false) #5 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/single.php(1): get_template_part('templates/conte...', 'single') #6 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/base.php(21): include('/home/forge/war...') #7 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/template-loader.php(74): inc in /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/templates/comments.php on line 11