Xukuumadda Soomaaliya oo Wadda Qabanqaabada Shirwayne ay Isugu Imanayaan Odayaasha Dhaqanka Hirshabeelle iyo Galmudug

Xukuumadda Soomaaliya oo Wadda Qabanqaabada Shirwayne ay Isugu Imanayaan Odayaasha Dhaqanka Hirshabeelle iyo Galmudug

Muqdisho (WDN)- Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta  ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Axhmed Macalin Fiqi, ayaa shaaca ka qaadey in xukuumadda Soomaaliya waddo qabanqaabada shirweyne ballaaran oo ay isugu imaanayaan odayaasha dhaqanka maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle. Kaasi oo ku aadan dib u heshiisiinta iyo mideynta dadaallada looga hortagayo kooxda Alshabaab .

Md. Axmed M. Fiqi

Md. Fiqi ayaa hadalkaan ka sheegay kulan maanta uu la qaatey odayaasha dhaqanka Galmudug, kaasi oo looga hadlayey xasilinta deegaanada laga xoreeyey kooxda Alshabaab ee hoos imaada maamulkaas. Waxa uuna ku amaaney go’aanka geesinimada leh ee ay qaateen ee ah in la iska dulqaado dhibka Alshabaab.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in shirwaynahaan qabanqaabadiisa la wado lagu qaban doono Baladweyne ama Dhuusomareeb, ujeedadiisuna tahay in la mideeyo dadaallada beelaha goboladaasi daga si si wada jir ah maleeshiyaadka Alshabaab laga saaro deegaanada weli gacantooda ku jira ee Galmudug iyo Hirshabeelle.

Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya saacado uun ka dib markii afhayeenka kooxda Alshabaab uu u hanjabey beelaha qeybta ka ah hawlgalada ciidanka dawladda Soomaaliya ay wadaan, kuwaasi oo Al Shabaab ka dhan ah isagoo ku hanjabey in ay beegsan doonaan.

Isbuucaan gudihiisa ayey ahayd markii kooxda Alshabaab lagu eedeeyey dilka nabadoono reer Hiiraan ah kadib markii ay wadada u dhigeen miino nooca dhulka lagu aaso ah, kaasi oo haleelay gaarigii ay watteen nabadoonadu.halka kooxda Alshabaab ay arinkaasi iska fogeysay dushana uga tuurtey dayaaradaha duuliye la’aanta ah ee garabka siiya dawlada federaalka Soomaaliya.

Maxamed Cumar

WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.