Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Alshabaab oo uga digtey qabaa’ilka ka qeybgalka hawlgalada ka dhanka ah

Muqdisho (WDN)- Afhayeenka guud ee ururka Alshabaab Cali Maxamuud Raage ( Cali Dheere)  ayaa markii ugu horeysay ka hadlay hawlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shbaab, kuwaasi oo ay wadaan ciidamada xoogga iyo dadka deegaanka oo iskaashananaya. Cali Dheere ayaa ku hanjabey in ay beegsan doonaan cid kasta oo hawlgaladaasi ku lug yeelata.

Afhayeenka Alshabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere)

Cali Dheere ayaa beelaha Soomaaliyeed uga digey in ay qeyb ka ahaadaan dagaalada ka soconaya qeybo ka mid ah maamul goboleedyada dalka ee looga soo horjeeda kooxda Alshabaab, waxa uuna si cad u sheegay in ay beegsan doonaan beel walba oo kaalin ku lahaata.

Afhayeenka Alshabaab ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan xarumaha dawladda iyo kuwa hawlgalka ATMIS, isagoo tilmaamay in goobahaasi yihiin bar tilmaameed xilli walbana ay suuro gal tahay in ay weeraraan.

Hadalka afhayeenka Alshabaab ayaa imanaya kadib hawlgalo ballaaran oo ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ku qabsadeen deegaano badan oo horey ay uga talin jireen maleeshiyaadka Alshabaab, waxaana iminka gobolada dalka ka soconaya abaabul xoog leh oo ku aadan sidii Alshabaab looga saari lahaa deegaanada wali gacantooda ku jira.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.