Xukuumadda Soomaaliya oo ku baaqday shir Qaran oo lagu dhiirigelinayo kacdoonka ka dhanka ah Alshabaab

Xukuumadda Soomaaliya oo ku baaqday  shir Qaran oo lagu dhiirigelinayo kacdoonka ka dhanka ah Alshabaab

Muqdisho (WDN)- Kulanka Usbuuc laha ah ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta diiradda lagu saarey kacdoonka bulshada ee ka dhanka ah kooxda Alshabaab iyo hawlgalada iminka socda oo deegaano badan oo Alshabaab looga qabsadey.

Golaha Wasiirada ayaa isku raacey soo jeedin ka timid wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta oo ah qabashada shirweynaha amniga qaranka  loogana hadlayo hawlgalada ka dhanka ah Alshabaab iyo kacdoonka dadka deegaaka.

Qoraal kasoo baxey xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu yiri “golaha wasiiradda waxa uu go’aamiyey qabashada shir qaran oo looga arinsanayo fidinta,dhiirigelinta iyo qarameynta kacdoonka bulshada ee ka dhanka ah argagixisada oo ay garwadeen ka noqonayso wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta”.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa doonaysa in ay mideyso dadaallada dadka deegaanku ay isaga difaacayaan Alshabaab iyo hawlgalada ciidamada xoogga dalka wadaan oo deegaano badan kooxda looga saarey, waxaana weli socda abaabulo kale oo ka socda deegaanada maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo ah meelaha ay ku yaalaan saldhigyada ugu xoogga badan Alshabaab iyo cududooda milatari.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.