Xukuumadda oo culumaa’udiinka Soomaaliyeed kala kaashanaysa la dagaalanka Alshabaab

Xukuumadda oo culumaa’udiinka Soomaaliyeed kala kaashanaysa la dagaalanka Alshabaab

Muqdisho (WDN)- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Xamse Cabdi Barre ,ayaa maanta kulan ballaaran la qaatey culumaa’udiinka Soomaaliyeed. Shirkaasi oo diiradda lagu saarey la dagaalanka xarakada Alshabaab iyo gurmadka abaaraha ba,an ee dalka ka jira.

Xukuumadda oo culumaa’udiinka Soomaaliyeed kala kaashanaysa la dagaalanka Alshabaab

Md. Xamse ayaa culimada Soomaaliyeed ka dhagaystey talooyinkooda ku aadan qaabka ugu haboon ee bulshada looga qaban karo kooxda Alshabaab ee umadda dhibaatada ballaaran ku haysa, wacyi gelin ku aadan ka feejignaanta dhagarta Alshaab iyo sidii ay qeybtooda culumadu uga qaadan lahaayeen gurmadka loo fidinaayo dadka abaaruhu hayaan.

Md. Xamse ayaa culimada faahfaahin ka siiyey qorshayaasha xukuumadda Soomaaliya iyo hawlgalada ka dhanka ah ee Alshabaab oo dawladdu bilowdey oo hadda hawlgalo ka socdaan gobolka Hiiraan, waxa uuna culimadu ka codsadey in ay kaalinkooda ka qaataan la dagaalanka Alshabaab.

Culimaa’udiinka maanta kulanka la qaadatey RW Xamse ayaa cambaareeyey falalka guracan ee Alshabaab ummadda ku hayaan, waxa ayna cambaaareeyeen weerarkii ugu danbeeyey ee kooxda Alshabaab ku qaadey hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, kaasi oo sababey dhimasho,dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Md. Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, kaasi oo dhawaan ku baaqay in culimada Soomaaliyeed ay muhiim tahay in ay qaataan doorkooda ku aadan wacyi gelinta bulshada, gurmadka abaaraha, nabadeynta iyo ka digista qatarta kooxaha argagixisada sida Alshabaab iyo Daacish.

Abuu Mansuur ayaa hore u sheegay in si looga guuleysta Alshabaab ay muhiim tahay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed laga wacyi geliyo fahamka qaldan ee diinta Islaamka ee kooxaha argagixisada aaminsanyihiin.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.