Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan aan caadi aheyn maanta la qaatey Guddiga Amniga Qaranka, kaasi oo diiradda lagu saarey xaaladda amniga dalka iyo wax ka qabashada falalka kooxda argagixisada ah ee Alshabaab.

Shirka guddiga amniga qaranka oo ay ka soo qeyb-galeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Md. Xamse Cabdi Barre, Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Amniga Qaranka, Gudaha, Maaliyadda iyo Caddaaladda, Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad-sugidda, Lataliyaha madaxweynaha dhanka Amniga Qaranka, ayadoo Wasiirka Gaashaandhigga iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka ay kulanka uga qeyb qaateen aaladda fogaan aragga.
Madaxweynaha ayaa kulanka intii uu socdey warbixino laga siiyey weerarka hoteelka Xayaat iyo qorshayaalka la xariira xasilinta dalka iyo la dagaalanla Alshabaab, waxa uuna madaxweynuhu tilmaamay in ujeedada ugu wayn ee Alshabaab tahay burburinta dawladnimada Soomaaliya iyo niyadjabinta bulshada Soomaaliyeee.
“Shacabka Soomaaliyeedoow, waan ogahay inaad ku daasheen tacsida iyo barooradiiqda joogtada ah. Waan ogahay in qarax walba oo ay argagaxisadu soo maleegaan aad ku weydaan dad agtiinna qaali ku ah, sidaasi awgeed, waxa aan idinka codsanayaa inaad u diyaar garawdaan dagaal aan waxba lala harayn oo lala galo arxan-laawayaasha liddiga ku ah nabaddeenna iyo dowladnimadeenna” ayuu ku yiri madaxweynaha hadal uu ka jeediyey daahfurka shirka aan caadiga ah ee guddiga amniga qaranka.
Madaxweynaha ayaa intaa ku darey “waxaa naga go’an in aan argagaxisada dhibaatada ku ah shacabkeenna awood-tirno, ilaa laga xoraynayo dhammaan deegaannada ay xoogga ku haystaan. Qorshahaasi waa mid fulintiisa iyo diyaargarawgiisu ay socdaan, waa qorshaha mudnaanta koowaad u leh dowladdeenna”.
Kulankaan aan caadiga ahayn ee guddiga amniga qaranka Soomaaliya ayaa imaanaya maalmo ka dib weerar dhibaato xoog leh geystay oo kooxda Alshabaab ku qaadeen hoteel muhiim ah oo magaalada Muqdisha ku yaala oo inta badan masuuliyiinta dawladda iyo dadka magaca ku leh bulshada ay adeegsan jireen.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho