Muqdisho (WDN)- War ay faafisay Wakaaladda Wararka Soomaalila (SONNA), ayaa lagu sheegau in Ciidamada Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada Soomaaliya, ay hawlgal qorsheysan ku dileen 49 xubnood oo ka tirsan tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab. Weerarka oo ka dhacey deegaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed.
Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa sida xukuumadda federaalku sheegtey u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana lagu burburiyay dhammaan gaadiidkii dagaal iyo saanaddii milatari ee ay deegaankaan ku haysteen maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Maleeshiyaadka lagu diley deegaanka Buulo Madiino ayaa la sheegay in ay qorsheynayeen falal ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed, iyadoo markaasi uu fashiliyay ciidanka sirdoonka, xoogga dalka iyo saaxiibada Soomaaliya oo hawlgalkaas si wada jir ah isaga kaashadey.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyey hawlgalkaasi, waxaana si gaar ah loogu mahadceliyey saaxiibada Soomaaliya oo gacan wayn ka geystay in hawlgalkaasi guuleysto laguna soo afjaro dhagar qabayaashaasi.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply