Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Xujooyinka Horyaalla Dowladda Federaalka Soomaaliyeed

W.Q. Liibaan Axmad

Madaxweyne Biixi iyo Gavin Williamson ( Sawirka: BBC)

Booqashadii uu Xoghayaha Gaashaanidhigga ee Biritayn, Gavin Williamson toddobaadkii hore ku tagay Hargeysa  waa tilmaan muujinaysa in kalsoonidii ay dowladda Biritayn ku qabtay Dowladda Federaalka  Soomaaliyeed ay sii yaraatay.

Sanadkii 2012kii ayay dowladdii uu hoggaaminay David Cameron abaabushay Shirkii London ee Soomaaliya. Shirkaasi wuxuu dhabbaha u jeexay  soo gabagabayntii dowladdii ku meelgaarka ahayd.

Mid ka mid ahaa qodobbadii warmurtiyeedkii ka soo baxay shirkaas wuxuu dhigayay in lacagta Soomaaliya loogu yabooho  la soo mariyo  guddi wadajir ah oo dowladda iyo deeq-bixiyeyaashu xubno ka yihiin ( Joint Financial Management Board) . Guddigaasi muu dhaqangelin waayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud muu ku qasbanayn inuu qaato  qodobbo  madaxdii Soomaalidu isku raceen waqti dalku lahaa dowlad ku meel gaar ah. Guddigii wadajirka ahaa waxaa beddelay Guddiga Maamulka Maaliyadda ( Financial Governance Committee) oo hadda ku dabajira hantidii dowladda oo uu maamulkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iibiyay ama kireeyay— gaar ahaan hantida dowladdu ku leedahay  Muqdisho.

Dowladda hadda  jirta,  oo dhowaan laba jirsan doonta, ayaa ka dambaysay dowladdii kowaad oo aan ku meelgaar ahayn.  Inkastoo dowalddu leedahay awoodo ay heshiisyo  kula gasho shirakdo shisheeye, may laha awoodda maamul oo ay dowlad dalka oo dhan ka talisa  in ay yeelato lagama maarmaan tahay. Federaalnimadu waxay ka caawisay dowladda hadda jirta inay ka faa’iidaysato gefefkii dowladdii hore oo  isku dayday inay noqoto dowlad lagu aamino  yabooha Soomaaliya loo soo ururiyo. Dowladda hadda jirta may qaadin waddadaas oo waxay aqbashay awoodyarideeda waxayse si aan gabbasho lahayn u adeegsatay awoodda ay ku bixin karto shatiyo kalluumaysi ama ay ku iibin karto ceelal saliid laga baarayo oo ku yaalla  xeebaha  Koonfurta Soomaaliya.

Taageerayaashii maamulkii hore  way  qaadan la’ yihiin dhiirranaanta Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ku saxiixdo heshiisyo waaweyn. Dadkii u doodi jiray dowlad dhexe oo awood-badan waxay maanta u doodayaan federaalnimo.

Dowladda Biritayn waxay qabatay laba shir ( 2013kii iyo 2017kii) waxayse hadda u muuqataa  inaysan la dhacsanayn siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed. Dowladda Federaalka Soomaaliyeed war kama soo saarin booqashada Xoghayaha Gaashaandhiga ee Biritayn ku tagay Hargeysa. Booqashadani waxay  keentay jahwareer diblomaasiyadeed: Wafdiyada heer sare oo ka socda Biritayn waxay ku soo horreyn jireen Muqdisho si ay u muujiyaan  siyaasaddooda ku salaysan dhowrista midnimada siyasasadeed iyo dhuleed ee Soomaaliya. Gavin Williamson wuxuu kormeeray xarunta Ciidammada Somaliland ee Hargeysa oo wuxuu kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Booqashadani waa suurtogal inay hordhac u tahay siyaasad dowladda Biritayn ay si toos ah kula shaqaynayso maamul federaaleedyada Soomaaliya oo badankood hadda ka cabsiqaba awoodda sii korodhay ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Inkastoo Biritayn ay ku sugan tahay xaalad siyaasadeed oo ay keentay aftidii Biritayn kaga  baxday Midowga Yurub, dalal badan oo Soomaaliya ku howlan waxay ku qaddariyaan Biritayn kaalinta ay ku leedahay unkidda hey’adaha dowladda federaalka. Waxaa hadda muuqata in Biritayn aysan ku qanacsanayn maamulkii ay samaysankiisii kaalinta ku lahayd. Soomaaliya waxaa  ku loollamaya dowlado badan.  In ka badan 95% yabooha Soomaaliya magaceda lagu soo ururiyo waxaa la siiyaa ciidammada nabad-ilaalinta ee Midowga Africa (AMISOM). Dowladdii hore iyo tan hadda laba jirsan doonta midna kuma guuleysan yaraynta ku tiirsanaanta ciidammada nabad-ilaalinta.  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa shirkii 2017kii lagu qabatay London ka sheegay in AMISOM ay Soomaaliya u joogto ka hortagista halis dunida ku soo wajahan.

Madaxbannaanida Soomaaliya, oo ah labada erey oo ay Dowladda Federaalku adeegsatay markii ay qaadatay go’aankii erinta ergeyga Qaramada Midoobay u jooga Soomaaliya, waa halkudhegyo madhan marka la eego aqoonsiga Dowladda Federaalku haysto oo aan ku sargo’nayn awooddeeda maamul heer qaran. Booqashada Gavin Williamson waxay hoosta ka xarriiqday xujooyinka horyaalla Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo maarayn kari la’ danaha isdiiddan ee dalalka Soomaaliya la shaqeeya.

W.Q. Liibaan Axmad
Email. [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.