Muqdisho (WDN)- Kulan in muddo ah aad looga dhowr sugayey ayey maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen xubaha labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, kaasi oo ujeedadiisu ahayd in ay magacaabaan guddiga isku dhafka ah ee doorashada madaxtinimada dalka.

Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare Md. Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo kulanka hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in xubnaha aqalka sare ay soo dhex magacaabeen xubnaha uga mid noqon lahaa guddiga doorashada madaxweynenimada Soomaaliya kuwaasi oo kale :
1. Sen. Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar (Somaliland).
2.Sen. Cabdiqani Geelle Maxamed.(Puntland)
3. Sen. Farxaan Cali Maxamuud (Galmudug).
4.Sen. Cali Maxamuud Gacal (koonfur galbeed )
5.Sen. Ibraahim Awgaab Cismaan (Jubbaland)
6.Sen. Samsam Cabdullahi Axmed ( Hirshabelle).
Dhanka kale xubnaha golaha shacabka ayaa kulan ay yeesheen oo ay ku dooranayeen 10-ka xubnood ee uga mid noqon lahaa guddiga doorashada madaxtinimada ayaa waxa ay doorteen 8 xubnood.
Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ku dhawaaqay xubnaha uga mid noqonaya guddiga doorashada kuwaasi oo kale :-
1.Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxamed
2 Xildhibaan Cali Xaaji Daahir
3 Xildhibaan Nuur Mustaf Mukhtaar
4 Xildhibaan Maxamed Axmed Beereey
5 Xildhibaan Maxamed Ibrahim Mucalimuu
6 Xildhibaan Maxamed Caananuug
7 Xildhibaan Cumar yuusuf
8 Xildhibaan Fardowsa Maxamed Cigaal.
Md. Aadan Madoobe ayaa sheegay in labada xubnood ee ay soo magacaabi doonaan.
Guddiga doorashada madaxtinimada ayaa la filayaa in doortaan guddoomiyaha guddiga iyo ku xigeenadiisa. Waxaana guddigaan looga fadhiyaa dardargelinta doorashada maadaama waqtiga harey uu aad u koobanyahay.
Maxamed Cumar Aaden.
Wardheernews, Muqdisho.