
Addis Ababa, Shir saddexdii maalmood ee aan soo dhaafnay uga socday mgaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta loogu doortay guddoomiyaha xisbigaas, Md. Axmed Shide oo ah Afhayeenka dawladda Itoobiya. Warku waxa uu intaas ku darayaa in sidoo kale guddoomiye ku xigeenka xisbiga loo doortay Axmed Cabdi Maxamed oo islamarkaana ah madaxweynaha deegaanka Soomaalida.
Xilka guddoomiyaha xisbiga ayaa waxaa horey u hayay, Cabdi Ilay oo dhawaan lagu khasbay inuu iska casilo xilka madaxweynanimada deegaanka oo uu siddeedii sano ee aan soo dhaafnay ku-amarkutaaglaynayay. Cabdi Ilay ayaan xaaladdiisa wax wara oo rasmi ah laga soosaarin, tan iyo intii ay ciidamo ka tirsan dawladda Federaalka Itoobiya u qaadeen magaaalda Addis Ababa.
Dhanka kale Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya, oo iyadu dagaal kula jirtay dawladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday maanta xabbad joojin dhinacooda ah, iyadoo la filayo in arrintani ay gogolxaadh u tahay wadahadallo dhawaan u billaabmi doona iyaga iyo dawladda Itoobiya.
Wardheernews
Leave a Reply