Muqdisho, Feb. 09, 2015 (WDN)- Kulan ay maanta mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku yeesheen xarruntooda magaalada Muqdisho, ayay cod aqlabiyad ah ku meelmariyeen xubnaha xukuumadda cusub ee uu dhawaan soo dhisay Ra’isul wasare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.
Kulankii maanta oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Md. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), ayna ka soo qaybgaleen 220 Xildhdibaan, iyadoo islamarkaana uu madasha kulanka uu goobjoog ku ahaa Ra’isul wasaare Sharma’arke, ayaa waxaa ogolaatay 191 Xildhibaan halka ay ka soo horjeesteen 22 mudane.
Wararku waxay intaa ku darayaa in guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Md. Caydiid Cabdullaahi Ilko Xanaf uu isla goobta ku dhaariyay Wasiirada cusub ee Xukuumadda Soomaaliya.
Soo dhisidda xukuumadda cusub oo uu muran badani ka aloosnaa muddooyinkii ugu dambeeyay ayuu ra’iisalwasaarre Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke kala maagay laba jer oo hore oo ay xildhibaannada baarlamaanku u muddeeyeen in uu ku horkeeno golihiisa wasiirrada ka dib markii uu xaqiiqsaday in aanu ka heli karin codka kalsoonida.
Mucaaradnimada ay ka muujiyeen xildhibaanno badani xubno aad la isugu maandhaafsanaa oo uu ku soo daray Sharma’arke xukuumaddiisa, ayaa sababtay in uu dib ula noqdo, soona dhiso xukuumad ay ka maqanyihiin xubnahaasi muranka badani ka taagnaa.
Dhaqdhaqaaq ay wadeen xildhibaanno quudaraynayay in ay ka mid noqdaan xukuumadda cusub oo iska waayay liiska golaha wasiirrada cusub, kuna doonayeen in ay ku hor istaagaan ansixiteeda, ayaan noqon mid soo jiita taageerada xildhibaanno badan.
Haddaba ansixinta xukuumadda cusub ee maanta, ayaa soo afjaraysa murrankii ay ku kala qaybsameen xildhibaannada baarlamaanku ee salka u ahaa in xilkiisii uu waayo ra’iisalwasaarihii hore Md. Cabdiweli Sheekh Axmed.
Md. Sharma’arke ayaa ah ra’iisalwasaarihii saddexaad ee xilkaas qabta tan iyo intii uu talada dalka hayay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
WardheerNews, Muqdisho.
Leave a Reply