Muqdisho, Jan. 15, 2015 (WDN)- Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa fadhi ay maanta ku yeesheen xarruntooda magaalada Muqdisho ku diiday codsi uga yimid ra’isalwasaaraha oo ahaa in cod u qaadista kalsoonida xukuumadda cusub dib loogu dhigo ilaa maalinta khamiista ah ee bishan Janaayo 22keeda.
Codsiga ra’iisalwasaaraha oo buuq ka dhex dhaliyay Baarlamaanka gudihiisa, ayaa ay taasi sababtay in guddoonka Baarlammnku dalbado in cod loo qaaaddo arrintaas ka dib markii ay isku maandhaafeen mudanayaashu.
Haddaba guddoomiyaha Baarlamaanka Md. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ku dhawaaqay natiijadii codaynta ka dib, ayaa sheegay in codeyntii ay xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u qaadeen codsigii Ra’iisul wasaaraha ee ahaa in dib loogu dhigo waqtiga uu golahiisa wasiirrada keenayo oo ku aadaneyd Sabtiga soo socda, waxa ay u dhacdey sidan:
Waxaa madasha kulanka golaha ee guud soo xaadiray 178 mudane, waxaa ogollaatay codsiga 57 Mudane, waxaa diidday 120 Xildhibaan, waxaa ka aamusay hal mudane, sidaa daraadeed Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu ogollaadey in Sabtiga golaha wasiirrada la horkeeno Baarlamaanka Soomaaliya.
Iyadoo tan iyo intii uu ku dhawaaqay ra’iisalwasaarre Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke golaha xukuumaddiisa ay isa soo tarayeen salauug iyo diidmo ay ka muujinayeen xildhibaanno badan,i ayay arrintani sii yaraynaysaa rajadii uu ra’iisalwasaare Sharma’arke ka qabay in uu xukuumaddiisa u helo codka kalsoonida ee Baarlamaaanka.
WardheerNews, Muqdisho.
Leave a Reply