
Kismaayo, Xindhibaanada cusub ee Baarlamaanka 2aad ee Jubbaland ee ay soo xuleen hoggaamiye-dhaqameedka deegaankaasi ayaa maanta lagu dhaariyay magaalada Kismaayo.
Munaasibadda dhaarinta ayaa sida wararka aan ku helayno, waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamanka federalka Soomaaliya, odoyaasha dhaqanka Jubbaland ee soo xulay xildhibaannada, dhammaan guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Jubbaland, ururada bulshada rayidka iyo aqoonyahanada deegaannada Jubbaland.
Xildhibaanadan ayaa si KMG ah ugu doortay xilka guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland Sh. Cabdi Yuusuf Cali oo ah xildhibaanka ugu da’da weyn xildhibaanada cusub ee Jubbaland.
Xildhibaanadan maanta la dhaariyay ayaa la filayaa in bishan aan ku jirno aakhirkeeda ay Soo doortaan madaxweynaha Jubbaland hoggaamin doona afarta sanno ee soo socota.
Dhanka kale musharrixiinta mucaaradka ah ee Jubbaland ayaa soosaaray liis magacyo ah oo ay ku sheegeen xildhibaananda cusub ee Jubbaland kuwaas oo iyaguna dooran doona dhankooda madaxweyne.
Lama saadaalin karo raadka ay arrintani ku yeelan karto amniga iyo habsami-u-socodka nidaamka doorashada ee Jubbaland.
WardheerNews