Muqdisho (WDN)- Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa fasax maalmo kooban ah galay, kaasi oo ku aadan xajka iyo maalmaha Ciidda Carafa sida lagu sheegay qoraal guddoonka Baarlamaanka soo saarey xilli magaalada Muqdisho ay ka socdaan kulamo iyo daddaalo ku aadan xulista Golaha Wasiiradda.
Xildhibaanada golaha shacabka ayaa fasaxa u bilaabinaya 1-da Luulyo waxa uuna ku egyahay 15-ka. Guddoonka ayaa xildhibaanada ku wargeliyey in ay soo shaqo galaan 16-ka bisha si waajibaadkooda dastuuriga u gutaan, sida lagu cadeeyay qoraal uu u diray Xoghayaha Guud ee Baarlmaanka Md. Cabdikarrim Buux.
16-ka Luulyo ayaa la filayaa in Ra’isal Wasaaaha xukuumadda Soomaaliya Md. Xamse Cabdi Barre uu horgeeyo golaha shacabka xubnaha golihiisa wasiiradda si ay u ansixiyaan .
Raii’sal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa ku gudda jira wada tashiyo ballaaran oo ku aadan soo xulista xubnaha Golaha Wasiirada cusub, oo la filayo in ay noqdaan xubno khubaro ah oo tiradoodu koobantahay sida uu horeyba u balanqaadey raisalwasaaraha, iyada oo ay adag tahay in ay ka maqnaadaadaan Xildhibaanada Golaha Shacabka, oo ol’ole adag ugu jira xil kaqabasha golaha xukuumadda.
Madaxda maamulada dalka iyo Siyaasiyiinta ayaa wadda sidii saamayn ballaaran ay ugu yeelan lahaayeen xubnaha Ra’iisal Wasaaraha soo xulinayo, waxaana kulamo xoog lehi ka socdaan Hotel-ada magaalada oo arrimahaas lagu faaqidayo.
![](https://wardheernews.com/wp-content/uploads/2022/07/Fasax.jpg)
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply