Muqdisho (WDN)- Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Gurmadka Abaaraha iyo Gargaarka Bini’aaminimada Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa fariin uu ka sidey madaxweynaha Soomaaliye u gudbiyey xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Abulqeyd. Taasi oo ku aadan wax ka qabashada dhibaatooyinka Abaaraha ee Soomaaliya iminka ka jira.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka masar ahna wakiilka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa sheegay in fariinta madaxweynaha
ay ku saabsantahay wax ka qabashada Abaaraha ba’an ee Soomaaliya ka jira. Waxa uuna madaxweynahu ka codsadey Jaamacadda carabta in ay kaalinkooda ka qaataan u gurmashada walaalahooda Soomaaliyeed.
Danjiraha ayaa intaasi ku daran in maanta kulan ku saabsan wax ka qabashada
dhibaatada bini’ aadminimo ee Soomaaliya ka jirta uu dhex mari doono wasiirada arrimaha
dibedda dalalka ku midoobey Jaamacadda Carabta, isla markaana warbixin looga
dhagaysan doono ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan
gurmadka Abaaraha.
Soomaaliya ayaa waxaa iminka ka taagan xaalad bini aadminimo tii ugu xumeyd
tan iyo sanaddii 2011 xiligaasi oo ay dhacdey abaar daran oo gallaafatey
nolosha kumanaan Soomaali ah iyo xoolihii ay dhaqanayeen. Waxaana iminka
macluul qarka u saaran ku dhawaad 7 milyan oo Soomaali ah.
Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda dadaallo ku aadan u gurmashada
dadka abaaruhu saameeyeen,kuwaasi gudaha dalka iyo dibeddaba ka socda waxaana
jira gargaar aan sidaa u badneyn oo deegaanada qaar la gaarsiiyey kuwaasi oo
aan dabooleynin baahida jirta.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho