Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

DHABTII JACAYL WAA LOO DHINTAA (QAYBTII 5AAD)

W.Q. Cabdiraxmaan Aadan Cabdi

8 bilood ayaa ka soo wareegtay ilaa maalintaan dalkan Turkiga imi. Waxaan fadhiyaa beer cagaaran oo ku taala haro qurxoon. Waa goob magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga ka durugsan. Muddadii aan magaalada joogay si fiican ayaan u kala bartay, beertanna Soomaali badan oo magaalada iiga soo horreeyay ma yaqaanaan. Dhawaaqa carruurta ciyaaraysa, xamxamta dadka sheekaysanaya iyo carafta hilibka la shiilayo ka sakow waxaan dhegta u raaricinayaa ci’da shinbiraha.

Geed hoostiisa ayaan fadhiistay. Dadku  caw ama shay kale ayay doogga cagaaran iska xijiyeen laakiin anigu toos baan doogga u dhex bariiqsaday. Dad badan ayaa hareerahayga marmaraya laakiin kelinimo ayaan dareemayaa. Maanta ayaan ogaaday in qofku isagoo dad badan dhex jooga keli noqon karo. Haa ninkayga halkaa keligii fadhiya buuq iyo cidhiidhi ayaan ku suganahay. Qofka I arka  dhoola caddayntayda iyo lebiskayga, qof xaaladdiisu isku dhacsantahay tahay  ayuu ii malaynayaa laakiin nafta gudahayga ku jirtaa waa mid la moodo in cunaha la hayo. Boholyaw badan ayaa I haya. Shay kasta waxa uu I xasuusinayaa dalkayga, gaar ahaan hooyaday oo aanan muddo dheer arag. “Jewi beddelesho” saaxiibkay igula taliyey ayaa sidan iila soo fogaatay, dhibaatooyin iyo boholyow kalena igu furtay.

Doogga dhexdiisii ayaan Jirjirka u jiifsaday. Shinbiraha aan codkooda ku raaxaysanayey qaar ka mid ah inay korkayga saaran yihiin ayaan arkay. Timahayga waxaan ka dareemay in geed hoosaad  goobta ka baxay iga muday. Muddadaan Turkiga ku sugnaa waa  markii koowaad ee timahayga shay aan gacmahayga ahayni taabanayo. Geedkan  waa mid nasiib daran sababtoo ah  timahan uu taabtay saddex bilood lama jarin. Marka  urtoodu i dhibto ayuun baanan maydhaa. Hooyaday haddii ay timaha ii salaaxi lahayd, dhabteeda I gelin lahayd oo sidii u caadada ahayd dhafoorka iga dhunkan lahayd rarkan I saaran in badan oo ka mid ahi dhulka ayay iman lahaayeen. Runtii hooyoday waan u xiisay.

Qoyaan ayaan dibnahayga ka dareemay. Waan booday sababtoo ah waxaan mooday in shinbiri igu soo saxarootay, laakiin intaanan shinbiraha u kicin dhagaxna u qaadan waxaan ogaaday in waxani yahay dareere biyo oo kale ah. ma roob baa bilaabmay mise roobkii maalintii dhawayd da’ay ayaa weli caleemaha geedka kasii  qoyanaa oo marka dabayshu ruxday dhulka kusoo hibitiqay? Carrabka ayaan biyaha afka iga soo galayey ku dhadhamiyey. Halkii aan biyo xareed ah ka sugayey waaba dhanaan. Waa ilmo. Goormaan ilmeeyay, maxaanse u ilmeeyay? Maxaan u dareemi waayey? Waa markii saddexaad ee aan maalmahan isku arkay ilmo aanan dareemayn ee iyadu iska socota! Dadka laf-dhabarta dareen qaadayaashu maraan marka  dhaawac gaadho saxarrada iyo kaadida ceshan kari waaya oo xakamuhu ka lumo ayaan ku arki jiray’e aniga maxaa  xakamihii ilinta iga lumiyay talow? Dadkaasi iyaga jug ayaa gaadhay ee aniga maxaa igu dhacay? Waan ogaa in jug qalbiga igaga dhacday laakiin maan moodayn inay heer aan qoyaanka ilmada ogaan waayo gaadhsiisnayd.  

Waan ilaaway. Noloshayda caadiga ah baan kusoo noqday, walaahay waa iga dhab waan ilaaway. Markan sidii qof ilaaway iskama dhigayo oo metelaad igama aha ee waan ilaaway. Hilow iyo xiise dadkii iyo dalkii ii haya ayaanse iminka la ildaranahay. Qof i warsada, qof wax i weydiiya, qof i maaga iyo qof i gacan qaada toona dalkan iima joogaan. Dacaayaddii iyo kaftankii  saaxiibbaday, canaantii waalidkay iyo buuqii maqaaxiyaha iyo baska gurigayaga taga ka dhex siraadnaa ayaan u xiisay.

Turkidu roobka dhibcaha barafka wata “Dolu” ayay yidhaahdaan, halkay roobka caadiga ahna “yağmur” yidhaadhdaan. Halhayska “yağmurdan kaçarken doluya tutulmak” oo macnaheedu  “qofkaasi isagoo roob caadi ah  ka cararaya ayuu roob baraf wata afka uga galay”, noqonayso ayaan xaaladdayda ku sifayn lahaa. Anigoo jacaylka, walbahaarka iyo xiisaha aan gabadha aan jeclaa u hayo la gam’i  waayey ayaan dalkan imi. Maantase  dhib intiiba ka weyn ayaan dhexda u fadhiyaa. Waalidkay, walaalladay, saaxiibbaday iyo waddankayga oo ahaa ka qofkaan maanta ahay ku noqday, ayaan dibadda ka joogaa. Baahida iyo xiisaha waddankayga ayaa ah shayga anigoon dareensanayn ilmadaydu iskaga socoto.

Guriga wiilasha ila deggan, jaarka iyo Soomaalidaan aan goobaha ganacsiga ku kulannaa, aniga oo maqlaya ayay i xantaan. “Wiilkan waa shib.. tolow miyuu xanuunsanayaa… maalin dhawayd isagoo isla hadlaya ayuu naga soo hor baxay… gabadh buu jeclaaday baa la yidhi… xataa cidna lama xidhiidho baan maqalnay”, weedhahaas inta mar ee ay dhegahayga kusoo duuleen ma tirsana.  Waa runtood’e  hooyaday iyo saaxiibkaygii dukaanka haystay  oo keli ah ayaan wax dad ah la xidhiidhaa. Walaalladay waan u cadhaysanahay oo dhaawacii jacaylka iga soo gaadhay ayay igu jeesjeeseen.

Qoraalkan hoose waa fariin aan saaxiibkay u diray markaan beertii ka soo laabtay ee guriga imi.

“Saaxiib inaan cafiyo ayaan doonayey laakiin xalay baan fikiray, dhawr meelood ayaan arintayada ka qiimeeyay. Ugu danbayn waxa isoo baxday inay khalad ahayd go’aankaan hore u qaatay, sidaas daraadeed markaan dib u qiimeeeyay waxaanan go’aansaday inaanan cafiyin. Saaxiib qaali ha ii cadhoon cafis la’aantaydu maaha mid aan xumaan ka wado. Waan ogahay muhiimadda ay leedahay in qof la cafiyo laakiin qorshe kale ayaan  wataa. Sidaad ogsoon tahay indhaheedii wanaagsanaa muddo dheer maan arkin, siday ku socoto waxay u muuqataa in aanan dib isu arki doonin. Sidaan beri hore masaajid buuggaag diini ah oo aanan iminka magacyadooda xasuusan ka dhigan jiray, labada qof ee iyagoo wax kala tirsanaya ifka ka taga, aakhiro ilaahay hortiisa ayaa loogu xaqsoorayaa. Saaxiib waxaan doonayaa inaan iyada aakhiro isku aragno, weliba in aakhiro sida maxkamadaha adduunka la iska kaaya hor keeno oo aan fool ka fool isku aragno, si aan uga indho buuxsado.  Nasiib badaniyaa haddii nolosha danbe ee lagu waarayo waxa u danbeeya ee aan arkaa indhaheeda noqdo” 

Saaxiib aad baan ugu faraxsanahay inaynu isbaranay; sheeko, talo iyo dhuuniba wadaagnay. Qof ilaa xad gob ah oo dhammaan sifooyinkii  qofka wanaagsan koobsaday ayaad tahay. Farriintan hadday kusoo gaadhay inaad nooshahay ayay ka dhigan tahay laakiin taa macnaheedu maaha inaan anigu noolahay! Ha nixin saaxiib ee isdeji. Go’aankayga igama joojin kartid, haddii aad dhanka gurigayga ama meesha aan ku suganahay usoo safri lahaydna ugu yaraan 7000km  ayaa inoo dhaxaysa oo ima soo gaadhaysid. Saaxiib, sidaan ogsoonahay labadeenuba jiritaanka nolol tan ka danbaysa-aakhiro- waynu aaminsanahay. Markaas kuwii noloshaa danbe ku kulma ee isku waraysta inaynu noqono ayaan rajaynayaa. Mise qofka isdilaa waa kooxda naarta ku waaraysa? Horta xadiis dulucdiisu  “qofka qalbigiisa dhibic iimaan ahi ku jirto naarta kuma waarayo” tahay saw ma jirin?

Saaxiib, waxaan kuu sheegayaa ina go’aankani yahay mid aniga iga soo go’ay. Qorshayntiisa iyo fulintiisana isla aniga uun ku  kooban yahay. Balwad, buuggaagta falsafadda, gabadhaan jeclaa iyo wax kasta oo markaan dunida ka tago dadka iga danbeeyaa eedda saaraani  wax denbi ah ma laha. “Beryahan wuu aamusnaa…. Waxaasi waa qurbaha…. Waa la falay ayaa la yidhi…..waxaasi waa iimaankiisa oo daciifay” iyo hadallada kale ee dadku iga daba dhurayaan ha u oggolaan inay ku murugaysiiyaan oo dheg  jalaq ha u siin, hana isku deyin inaad  dadkaa xaqiiqda la wadaagto. Abaal badan ayaad igu leedahay oo in badan ayaad wax ii tartay, waxa keli ah ee aan kuugu abaalgudi karaa waa inaan daqiiqadaha u danbeeya ee noloshayda adiga kuu hibeeyo.

Shaygii aan nafta iskaga qaadi lahaa waa ii diyaar. Inaan kuu sheego ha ka yaabin. Ma doonayo inaad maydkayga sawirato iyo inaad xanuunka dhimashada iga maraya ku dareensiiyo toona,sidaa daraadeed qodobkaa sidaan isku dilayo waa mid haddaynu nolosha danbe ku kulanno ka sheekaysan doonno. Saaxiib,wax deyn ah la iguma laha, qof aan xumeeyay oo aan cafis ka dalbanayaa ma jiro. Saaxiib,xabbad sigaar ah ayaa ii shidan.  Keligay  ayaan joogaa waxaana dhegahayga sida faleebba ugu dhibcaya codka cajiibka ah ee Sahra Axmed Jaamac. “ Haddaan go’ qiyaamaha, adaa laguu qabsanayaa.. ima qaba.. ima qabato caynkani..qoodhaa iyo xeradaa anba kuuma quudheen…

Saaxiib, safarkaa aanan waxaan kala kulmi doono garanayn ayaan u baxayaa ee nabaadiino. Dad i jecel iyo meel aan ku raaxaysto inaan heli doono ayaan  ku rejo waynahay, haddii aan waayana dadka aan la kulmi doono inaanay iyadu ku jirin oo meesha iiga horrayn baa farxad iigu filan.  Saaxiib, waan ogahay inaad I canaanayso oo go’aankayga mid khaldan kuula muuqdo, laakiin runtii khaladka keli ah ee aan sameeyay waa inaan gabadhaa jeclaaday oo aaminay.  Khalad midkaas  iiga horreeyay iyo mid iiga danbeeyay toona ma jiro. Tigidhkii soo laabadka ee markaan dal-ku-galka Turkiga soo dalbanayey soo iibsadayna  sidaas buu ku khasaaray. Haddaan lacagtiisa soo ceshan lahaa meeshaan u socda wax lacag ah inaan laga isticmaalin ayaan warka ku hayaa, haddaan  ii bedela odhan lahaa nasiib wanaag meeshaan u safrayo tigidhkeedu  waa lacag la’aan.

Saaxiib, ugu danbayn haddaan isku dayo inaan kula dardaarmo , saaxiib weligaa qofna qalbigiisa ha jebin. Ballan aadan ka soo bixi karayna ha qaadin.

Nabadeey saaxiib.

Cabdiraxmaan Aden Cabdi

[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.