Xil wareejinta Wasiiraadda xukuumadda cusub oo soo gabagaboobaysa, iyada oo saameyn ku yeelatay isusocidka Bulshada Muqdisho

Xil wareejinta Wasiiraadda xukuumadda cusub oo soo gabagaboobaysa, iyada oo saameyn ku yeelatay isusocidka Bulshada Muqdisho

Muqdisho (WDN) Iyada oo maalmahanba ay socotay munaasabado kale gedisan oo xilka Wasiiradda Xukuumadda cusubi ay kula wareegayaan xilka, ayaa maanta ku soo gabagowday maagaladda Muqdisho.

Xil wareejinkta oo uu hormuud ka ahaa Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Xamse Cabdi Barre, ayaa saamayn weyn ku yeelatey isu socodka gaadiidka dadweynaha, waxaana gebi ahaanba la xirey muddo saacado ah wadada halbowlaha u ah isusocodka magaalada Muqdisho ee Maka Almukarama, taas oo xirneyd illaa wadada dheer ee Afgooye, gaar ahaan isgoyska Banaadir .

Xil wareejinta Wasaaradda Waxbarashada

Ra’iisal Wasaare Xamse ayaa maanta Wasaardaha uu xilka u kala wareejiyey waxaa ka mid ahaa Wasaaradda Waxbarashadda, Hidaha iyo Tacliinta Sare, halkaasi oo Wasiirka cusub Md. Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi Md.Cabdullaahi Abuukar Xaaji Fiiqow (Carab), ay xilka kula kala wareegeen, kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacdey xarunta wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta ee KM5.

Ra’isal Wasaare Xamse ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ahmiyad gaar ah siinayso tayeynta waxbarashada, isla markaana Wasaaradani ay tahay mid laf dhabar ah xukuumadiisa waxa uuna yiri “Wasaaraddani waa mid  ahmiyad weyn leh waxaana horyaala Wasiir Faarax shaqo culus waxaana uga fadhinaa inuu wax badan ka qabto horumarinta waxbarashadda dalka”. 

Xil Wareejinta Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha

Ra’isial Wasaare Xamse ayaa sidoo kale munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah, xilalka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaraddaasi Md. Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh (Beene-Beene) iyo Wasiirkii hore Md. Jamaal Maxamed Xasan.

Munaasabad kale oo uu hormuud ka ahaa RW Xamse ayuu xilalka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda  Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Md. Maxamed Barre Maxamuud iyo Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi Md. Xamse Siciid Xamse.

Maxmed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho