Dowladda Imaaraadka oo Deeq Gargaar ah soo Gaadhsiisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho (WDN) Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta deeq gargaar ah ku wareejisey xukuumadda Federaalka Soomaaliya, taasi oo loogu talo galey gurmadka malaayiinta Soomaaliya ee abaaruhu waxyeeleeyeen.

Deeqdaan ayaa ahayd deeq raashiin ah oo kala duwan oo ka kooban 90 Kunteenar waxaana xukuumadda Soomaaliya ku wareejiyey danjiraha Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya Axmed Maxamed Cusmaan.

Wasiirka Dekedaha Gen. Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilkajiir, Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isal Wasaaraha Md. Xirsi Jaamac Gaani iyo xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’isal Wasaaraha Maxamed Abuukar Subeyr ayaa deeqdaan kala wareegay safiirka Imaaraadka.

Qoraal kasoo baxey xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in deeqdaan gargaarka ay xukuumadda Soomaaliya si degdeg ah ku gaarsiin doonto dadka abaaruhu saameeyeen ee gurmadka degdegga u baahan, waxaana looga mahadceliyey dowladda Imaaraadka deeqda maanta ay bulshada Soomaaliyeed lasoo gaartey iyo  sida ay marwalba ugu heelantahay garab istaaga walaalahooda Soomaaliyeed.

Maxmed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.