Xasan Shiikh Maxamuud iyo Uhuru Kenyatta oo heshiis kala saxiixday

Xasan Shiikh Maxamuud iyo Uhuru Kenyatta oo heshiis kala saxiixday

Nairobi:-Kadib Kulamo qaatay labo maalin oo u dhaxeeyay madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Uhuru Kenyatta ayaa gabagabadii waxay labada dhinac kala saxiixdeen heshiis ka kooban shan qodob, kuwaas oo quseeaya xiriirka labada dal oo ay ugu muhiimsantahay qorshaha dib ucelinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo Kaakuma ee Kenya.

Kulankan labada madaxweyne ayaa waxaa uu ka dhacay xarunta madaxtooyada Nagana ee gobolka Nyere ee dalkan Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh ayaa ugu mahadceliyay Uhuru Kenyatta iyo guud shacabka Kenya sida ay xilli waliba taageerada walaalnimo iyo mida derisnimo u siiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Qodobada uu ka koobanyahay heshiiska labada madaxweyne ayaa udhigan sidan:

1. In Shir caalami ah lagu qabto Kenya bisha August oo ay wada jirna u shir guddoominayaan Soomaaliya, Kenya iyo Qaramada Midoobey si xal loogu helo dib u celinta qaxootiga Soomaaliya ee ku nool Kenya. Iyadoo labada madaxweyne ay isla garteen in dib u celinta qaxootiga la waafajiyo shuruucda caalamiga ah oo dhammaan qaxootiga Soomaaliyeed ay helaan xaquuqdooda muhiimka ah si ay uga qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

2. In labada dal ay sameystaan guddi wadajir ah oo ka shaqeeya sidii loo hirgelin lahaa dhammaan qodobada lagu heshiiyey.

3. In labada dal ay iska kaashadaan soo celinta amniga iyo la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah.

4. In dowladda Kenya ay tababar u fidiso shaqaalaha dowladda si shaqaalaha ay ubartaan maamulka, dowladana ay uhergeliso nidaamka maamul wanaaga.

5. in labada Madaxweyne ay si joogta ah u wada kulmaan, si ay mar waliba ugu wada arrinsadaan arrimaha hormarka labada dal iyo ilaalinta heshiisyada ay horay uwada gaareen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladiisu ay xilli walbo wada shaqeyn dhaw la yeelan doonto dowlada Kenya maadaama labada dal ay dano badan oo dariseed ay ka dhaxeeyaan.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya,ahna latilayaha madaxweynaha Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Ing.Yariisow” ayaa sheegay in Xasan sheikh uu Kenya ugu tacsiyeeyay askarta ugu dhimata Soomaaliya maadaama ay ka mid yihiin ciidamada nabad ilaalinta AMISOM, waxaa uu gaar ahaan ugu tacsiyeeyay Kenya labo askari oo ka tirsan ciidamdeeda oo maanta ku dhintay gobollada Jubooyinka.

W/Q: Maxamed Cisman Xabiib

Nairobi ,Kenya

Leave a Reply

Your email address will not be published.