Muqdisho (WDN)- Qabanqaabada soo dhawaynta madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka socota magaalada Baydhaba, xilli maalinta berri ah lagu wado in halkaasi uu gaaro .
Wafdi uu hogaaminayo agaasimaha guud ee madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, halkaasi oo uu ka socoto qabanqaabada soo dhawaynta madaxweynaha.
Socdaalka madaxweynaha ee magaalada Baydhabo ku tagayo ayaa ah kii ugu horeeyey uu ku booqdo maamul goboleedyada dalka ka jira, waxaana ujeedada socdaalka madaxweynaha lagu sheegay mid la xariira wada tashiyo ku aadan magacaabista Ra’isal Wasaaraha dalka oo dhawaan la filayo inuu magacaabo. Madaxweynaha ayaa la filayaa sidoo kale inuu booqashooyin ku bixiyo xarumaha maamul goboleedyada, waxaana tani ay muujinaysaa sida Xasan Sheekh Maxamuud uu u doonayo in Ra’isal Wasaaraha uu soo magacaabi doono uu noqdo mid taageero ka wada haysta maamul goboleedyada dalka.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply