Xasan Sheekh iyo Xamse oo kulan wada tashi ka yeeshay dhismaha golaha wasiirada

Xasan Sheekh iyo Xamse oo kulan wada tashi ka yeeshay dhismaha golaha wasiirada

Muqdisho (WDN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatey raisalwasaaraha xukuumadiisa Xamse Cabdi Barre kaasi oo la xariira la tashiyo ku aadan dhismaha golaha wasiirada oo uu dib u dhac ku yimid.

Labada masuul ayaa iska wareystay caqabadaha keenay dib u dhaca ku yimid ku dhawaaqida golaha wasiirada,waxa uuna raisalwasaaraha madaxweynaha warbixin ka siiyey la tashiyadii ugu danbeeyey ee uu la sameeyey siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Md. Xamse ayaa ballanqaadey in dhawaan uu soo dhisi doono golle wasiiro oo isu dheeli tiran oo ay kasoo muuqan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada isla markaana xukuumadiisu ay noqon doonto xukuumad tayo leh oo ay hogaamin doonaan aqoonyahano bulshada si cadaalad ah ugu adeegi doonta.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalintii sabtida ahayd siiyey raisalwasaaraha xukuumadda Soomaaliya muddo 10 cisho ah si uu usoo dhiso golaha wasiiradiisa maadaama ay idlaatey muddadii dastuuriga ahayd ee raisalwasaaruhu haystay.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqidisho