Muqdisho (WDN)- Kooxda Alshabaab ayaa maanta qarax ismiidaamin ah ku dishey guddoomiyihii degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose, Cabdullaahi Cali Waafow iyo tiro ilaaladiisa ka mid ah.
Qaraxa guddoomiyaha lagu dilay ayaa ka dhacey xarunta degmada Marka looga arrimiyo, waxaana ku dhintey 11 qof oo isugu jira askar iyo dad rayid ah waxa uuna qaraxani sababay dhaawacyo xooggan oo soo gaarey askar guddoomiyaha la socotey iyo dad rayid ahaa oo goobta ku sugnaa waxaana la keeney magaalada caasimadda ee Muqdisho si loogu dabiibo.
Sidoo kale degmada Afgooye ayaa lasoo sheegay in ay ka dhaceen laba qarax, waxaana lagu soo waramayaa in dad gaaraya 8 qof ay ku dhinteen tiro 20 gaareysana ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la dhigey isbitaalka degmada.
Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka mid ah goobaha ay ku xooggan yihiin maleeeshiyada kooxda Alshabaab, waxaana ay gobolka ku leeyihiin saldhigyo milatari ayagoo sidoo kale ka taliya deegaano badan oo muhiim ah oo gobolka ka tirsan.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho