Kismaayo (WDN)- Waxaa si isdaba joog ah u soo gaadhaya magaalada Kismaayo wufuud iyo marti sharaf ka qeyb galaysa munaasabadda caleemasaarka madaxweynaha Jubbaland Md. Axmed Islaan ( Madoobe), oo lagu wado in ay maanta ka dhacdo magaalada Kismaayo.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa bishii Ogost 22-dii doorasho ka dhacday Jubbaland, ku guuleystay mar kale in loo doorto madaxweynaha Jubbaland muddo 4 sano ah.
Madaxtooyada Soomaaliya (Villa Somalia), ee ay hoggaanka u hayaan Madaxweyne Farmaajo, Raysal wasaare Kheyre iyo Agaasimaha Sirdoonka Md. Fahad Yaasiin, ayaa si aad ah uga soo horjeeday in Axmed Modoobe mar kale ku soo noqdo madaxtinimada Jubbaland, iyaga oo si xooggan iskugu dayay in la hor istaago Axmed Madoobe.
Madaxweyne Farmaajo iyo maamulkiisa ayaa saaray Jubbaland xayiraad dhinaca isku socodka ah, iyaga oo waday isku day ah in aynan dhicin xafaladda caleemasaarka Md. Axmed Madoobe, inkasta oo ay arinkaasi ku fashilmeen.
Martida ka qeyb galaysa xafladda caleemasaarka waxaa ka mid madaxweynahashi ihore ee Soomaaliya sida Md. Sheekh Shariif, oo horey loogu diiday safar uu ku iman lahaa Kismaayo iyo Md. Xasan Sheekh Maxamuud. Waxa kle oo ka qeyb galaya Madaxweyaha Puntland Md. Siciid Deni, Aadan Barre oo ka tirsan Baarlmaanka Kenya, xildhibaano, siyaasiyiin iyo marti sharaf badan oo kaleeto.
Wararka naga soo gaadhaya qabanqaabada xafladda caleemasaarka, ayaa sheegaya in ka gadaal xafladda lagu wado in siyaasiyiinta iyo indheergaradka ka qeyb galaysa xafladda ee iskugu tagey Kismaayo, ay soo saaraan war-murtiyeed tilmaamaya xaaladda dalka iyo sidii looga arinsan lahaa.
WardheerNews
Leave a Reply