Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo la Wareegay Shaqadii Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka

Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo la Wareegay Shaqadii Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka

Muqdisho (WDN)- Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Kukuumadda Federalka Soomaaliya Md.Saalax Jama ayaa maanta goobjoog ka ahaa munaasabad xafiiska Ra’iisul Wasaarahu kula wareegaayey Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka oo horay Wasaarad buuxda u aheyd

Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo la Wareegay Shaqadii Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka

Wasiiru Dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Md.Xirsi Jaamac Gaani, ayaa wasiirkii hore ee Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka iminkana ah wasiirka Haweenka iyo Xaquuqal Insaanka Marwo Khadiija Maxamed Diiriye kala wareegay, waxaana iminka  ay si toos ah u hoos imaan doontaa Wasiirru Dowlaha, xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Wasiiraddii hore ee Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ayaa iminka noqonaysa hay’ad hoos imaanaysa xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, waxaana hawlaheeda hogaamin doona Wasiiru Dawlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho