Muqdisho (WDN)- Ciidamada Amaanka Maamul Goboleedka Hirshabeelle, ayaa maanta gacanta ku dhigey qaraxyo dhawr ah oo la doonayey in laga sameeyo qeybo ka mid ah xaafadda Horseed ee magaalada Jowhar xarunta KMG ah ee maamulkaasi.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in ay qaraxyada ay qabteen ay ahaayeen miinooyinka dhulka lagu aaso, kuwaasi oo sida ay sheegeen la dhigay qeybo ka mid ah xaafada Horseed ee magaalada Jowhar, waxaana wararku intaa ku darayaan in dadkii deganaa goobaha qaraxyadu la dhigey ay guryahooda isaga carareen ayagoo ka baqdin qaba in waxyeelo kasoo gaarto qaraxyadaasi.
Laamaha amaanka ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan dabagalka unugyada qaraxyadaan soo abaabula ee ka tirsan xarakada xagjirka ah ee Alshabaab, oo muddooyinkaan danbe weeraro xoogan ka wada deegaanada maamulka Hirshabeelle,ayadoo muddo todobaadyo ahba dagaalo xoogani ka socdaan gobolka Hiiraan.
Bishii Luulyo 17-dii ayey ahayd markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey uu ku qarxey hoteel ay inta badan adeegsadaan mas’uuliyiinta maamulka Hirshabeelle. kaasi oo geystey khasaaro xoog leh oo dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed oo baaxad leh geystay.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho