Xadgudubka Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya

Muqdishu (WDN)- Waxaa dhawaan soo baxay hadal laga duubay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, isaga oo si toos ah ugu ol’oleynaya doorashada Xasan Sh. Maxamuud ee madaxtinimada Soomaaliya.

Xasan Sheekh iyo Xaamud

Warkaasi oo laga duubay mar uu taliyuhu ka hadlay xaflad  lagu maamuusayay ciidanka Booliska oo uu ka soo qeyb galey Xasan Sh. Maxamuud. Taliyaha Md. Xaamud, ayaa si toos u sheegay in Madaxweynuhu uu ku tashado codka xildhibaanada la soo doortay ee ka tirsan ciidanka Booliska.

Taliye Xaamud ayaa magacaabay laba xildhibaan oo uu sheegay in ay diyaar u yihiin si ay codkooga u siiyaan doorashada Xasan Sh. Maxamuud.

Ciidamada Qaranka ayaa guud ahaan ka reeban in ay ka qeyb galaan ol’olaha tartanka siyasaasadda, madaama ay hayaan xil qaran oo loo baahan yahay in ay dhexdhexaad ka noqdaan.

Ilaa hadda ma jiro wax faahfaahin ama dacwo ka dhan ah taliyaha oo ka soo baxday musharaxiinta doorashada madaxweynaha Soomaaliya, oo ku aadan xadgudubka taliyaha ciidanka Booliska.

Waxaa isa soo taraya  eedaymaha ku aadan musumaasuq baahsan oo ka jira doorashooyinka xubnaha Baarlamaanka, kuwaasi oo sababay in dhowr jeer dib loo dhigo jedwelka doorasshada qeybaha kala gedisan ee dowladda.

Halkan ka daawo ol’olaha taageerada taliyaha Ciidanka Booliska.

WardheerNews

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.