Xaaladda xidhitaanka xerada Dhadhaab iyo qroshaha qaxootiga Soomaaliya

Xaaladda xidhitaanka xerada Dhadhaab iyo qroshaha qaxootiga Soomaaliya

Kenya (WDN) – Kenya ayaa dhawaan sheegtay in ay xiri doonto xerada qaxootiga ee Dhadhaab bisha Noofember ee dabayaaqada sanadkan 2016. Xiritaanka xerada qaxootiga ee Dhadhaab ayaa dhalisay is af garanwaa ka dhex dhasha Soomaaliya iyo Kenya, iyada oo la filayo in Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sh. Maxamuud uu booqosaho ku yimaado magaalada Nayroobi maalinta Isniinta ee bishn Juun 6da.

Dadaab_kenya_AfricaKenya ayaa sheegtay in ay ka go’antahay in qaxootiga Soomaaliya dib loogu celiyo dalkoodii, iyada oo xustay in qaxootigaasi ku hayaan dhibaatooyin iyo culays la xihiidha dhinaca ammaanka, dhaqaalaha iyo dabeecadda (envonment).

Dhinaca kale warar is khillaafsan ayaa ka soo baxaya mas’uuliyiinta Soomaaliya, iyada oo la sheegay in Madaxweyne Xasan tilmaamay in Kenya ay dhowrto xeerarka caalamiga ee u yaala qaxootiga ee ku wajahan in aan si dirqi ama khasab ah loo celin qaxootiga, iyada oo aan la sugin ammaankooda iyo kaabiyada aasaaska u ah nolosha (livelihood). Wasiirka arimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa isna sheegay kadib shir uu dhawaan la yeesahy dhigiisa Kenya Amina, in Soomaaliya ay soo dhaweyn doonto celinta qaxootigaasi.

Dhamaan caalamka ayaa ku sheegay qorshaha celinta qaxootiga ee Kenya mid aan waafaqsanayn qawaaniinta caalamiga ee u yaala qaxooitiga, xaga dawladdo kale oo ay ka mid tahay Turkigu ay taageereen qorshaha Kenya, sida uu tilmaamay madaxweynaha Turkiga oo bishan horaanteedii booqasho ku yimid Kenya, isaga oo sheegay in dawladda Turkigu ay taageersan tahay mawqifka Kenya, islamarkaana xusay sidoo kale dhabaatada Turkiga ka haysata qaxootiga.

Socdaalka madaxweynaha Soomaaliya ee Kenya ayaa la sheegay in uu ka mid yahay sidii meel loo dhigi lahaa soo celinta qaxootiga oo lagu waddo in la dejiyo maamulada Jubba iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xerada Dhadhaab oo la furay sanadihii horaantii 90 kii, ayaa ah xerroyinka qaxootiga kuwa ugu waaweyn, iyada oo hoy u ah dad lagu qadaray 330,000 oo qaxooti.

Madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa in uu booqasho ku tago xerada Dhadhaab.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.