xaalad biyo la’aaneed oo ka jirta degmada Afmadow

Kismaayo (WDN)- Shir looga hadlayay xaalad biyo la’aaneed ee ka jirta degmada Afmadow, ayaa maalintii Axada ee bishan Maarso 11-dii lagu qabtay xarunta Wasaaradda Howllaha Guud iyo Guriyeenta Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Shirkan  oo ay ka Soo qayb galeen Wasiiradda Wasaaradaha Macdanta,Biyaha iyo Tamarta Jubbaland iyo wasaaraddo kale , ayaa diiradda lagu saaray sidii gurmad degdeg ah loogu fidin lahaa bulshada ku dhaqan degmada Afmadow iyo deegaanada ku dhow,
kuwaasi oo ay soo wajahdey xaalad biyo la’aaneed.

Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta Jubbaland Maxamed Yuusuf Cumar, ayaa sheegay in biyo la,aan baahsan ay ka jirto degmada Afmadow, islamarkaana loo baahan yahay in gurmad deg deg ah ay gaarsiyaan maamulka,Ganacsatada iyo shacabka oo iskaashanaya.

Ugu danbaynti qaar ka mid ah Salaadinta ku dhaqan aya iyaga dhankooda ka hadlay xaalada ka so cusboonaatey degmada Afmadow iyagoo baaq u direy Dowladda Jubbbaland iyo ganacsatadaba in gargaar bini aadanimo lala gaaro dadkaas.

Foos Cali
WardheerNews, Jubbaland

Leave a Reply

Your email address will not be published.