Tuesday, April 16, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Weligaa Sidan Ilaah ma kuu Fashilay?

W.Q. Cabdullaahi Janno

Waxaynu ahayn juhulo…. Deriska waynu xumeyn jirnay…. Kaayaga awoodda leh wuxuu ku tuman jiray midka tabarta yar. ~ Asxaabi Jacfar ibn Abii Daalib

Nin tuug ahaa ayaa wuxuu la safray nin sitay kuus dahab ah. Habeenkii waxay seexan jireen geed hoostiisa. Tuugguna wuxuu baarbaaran jiray shaatigii ninka. Markay tuuggii isugu darsantay dhafar iyo masaafo dheer ayuu quustay, runtana ka hadlay. Musaafirkii ayuu subixii danbe ku yiri: “Ninyahow dahabka aad jeebka ku sidday ayaan damacsanaa. Waa iga su’aale, maalinkii oo dhan jeebkaad ku siddaa ee habeenkii xaggee ku qarisaa?” Ninkii musaafurka ahaa baa yiri: “Maalinkii jeebkayga; habeenkiinna jeebkaaga.” Tuuggii sidaa ayuu ku fashilmay – oo xalka meel dhowba kama uusan raadin.

Ka kaalay.

“Goormaa kuugu dambeysay musiibo wadno-fuq kugu ridday?”

Bal su’aashaa weyddii qof dal kale u dhashay. Muxuu kuugu jawaabay? Intuu indhaha ka biligsiiyay ma ku yiri ma xasuusto sannadka, laakiin ma dhowa. Bal isla su’aashaas weyddii qof Soomaali ah. Ma kugu yiri, “Ax! Iga daa! Shiddada iyo musiibadu iigama duwana sidii tusbax kunle ah oo isdaba taxan.”

Ka dibna ma tiri sidee bay kun musiibo oo hal il ka soo wada fatahaya kuu halakeeyeen? Ma fahmi waayay su’aashaada — ama mayee ma iskhaafiyay — oo misana ma kuugu jiiday qosol-Soomaaligii uu Cilmi Boodhari ka yiri “Qosolkaan yar yari waa waxaad nagu qaldeysaane”?

Ma sii gujisay oo ma tiri, “Jawaab isii: sidee kuu naafeyn karaan kun musiibo oo illaa 1991 isdaba taxan?” Afkiisa ma ka soo bixi weysay jawaabtii aad raadineysay ee aheyd “Anigaa isbaday”? Kaaga darane jawaab ma ka soo qabsaday meel dhow oo ma ku yiri, “Waa Qaddar Alle”?

Intaad qirtay Qaddarta misana jawaabtiisa ma ka dheehatay labo maaddo midkood: isberiyeelid ama dhoohanaan? Isberiyeelid in uu kaalin toos iyo mid dadbanba ka qaatay soo noqnoqoshada musiibada; dhoohanaan haddii uu mooggan yahay awoodda rabbaani ee uu Ilaah u siiyay inuu isbeddel keeno. Durbadiiba ma soo xasuusatay Xaddiiskii oranayay sharta kala hor tag addin, ama af, ama qalbadda ka nac? Ma dhakafaartay markaad aragtay Soomaaligii oo shartii ku taageerayo addinka, carrabka, iyo qalbaddaba?

Maxaad i tiri? Shartee? Ma shartu waxay tahay?

Waa su’aal aan caqliga Soomaaliga ka filan karo – nasiib-darro, caqliga Soomaaliga ee fiican waxaa isbaaro u dhigtay qalbi buka kaasoo ku xambaaro canaad iyo gar-diid.

Sharta aabbaha u ah sharaha waa tuma? Sidee u sifeyn laheyd? Soo yaraantaadii ma aadan maqli jirin googgaaleysigan: “Xeradaydu waa wada ul – ul la qaato ma leh”? Ogow sharta musiibadu ka soo askunto googgaaleysi iyo maaweelo ma ahan ee waa dhagar iyo dhiigbax.

Sifooyinka shartaas waa duur-joogtii oo kaa guurto, una guurto dalalka deriska ah; waa haaddii oo dul heehaabto raqdaada adiga oo macaluul u dhintay; waa adigoo labaatan jir ah oo boqol mar ku hafto badda adigoo kala dooranayo quus iyo rajo ay mowjadaha badda u yihiin “roogga guduudan”; waa gabartaadii inta sharafteedii niman ku tunteen oo ay dileen, ka dibna xeer-jajab lagugu aamusiyo; waa jid laammi ah oo uusan maamul-goboleedkaagu dayactirin, adigakan dhallinyarada ahaana qabri kugu riday; waa khawaarij toban iyo dhowr sano kibir iyo fasahaad isaga dhex mushaaxdo dal aad deggan tahay adigakan uu qudwo iyo halyeey kuu yahay Xabiibkii geesiga ahaa – sallallaahu calayhi wasallam.

Haddii sifooyinkan halaagga ah ay googgaaleysi ahaan lahaayeen maxaad ku furi laheyd?   

Kaagama baqayo caqli-yari.

Xujadaas waxaa furo ereyadan:

Fowdada. 

Dowlad la’aan raagtay: 1991 – 2000.

Dowlad ku qaan-gaartay tabar-yari: 2000 – 2019. 

Waa 28 sano iyo qaran isku filnaan waayay.

Waxaad aqbashay in aad subaxdii dhar iyo kabo soo xiratid adigoo ka qaawan dharkii dowladnimo ee dhawri lahaa sharafkaaga, dabooli lahaana baahidaada. Kaaga darane waxaad shafka u tuntaa oo u hiillisaa nin kaa xayuubinayo dharkaaga dowladnimo. Waxaad qiil u raadisaa mid qabriga kuu jiidayo, haadda kuu warayo, facaaga kuu hoosaasinayo, kaa eexanayo, xoolahaaga musuqayo, qandaraasyo shakhsiyeed magacaaga ku saxiixayo, shisheeye kaa xigsanayo, sirta qarankaagana kashifayo. Ma ku kala qoqobay sidii Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfur? Isagoon kula tashan codkaaga ma af-duubay oo ma ku yiri waxaad tahay Koonfur-Galbeed? Mayee Hir-Shabeelle? Mayee Gal-Mudug? Misana dalkaagii hooyo ma u bixiyay magacyo shisheeye oo ku adag carrabka ayeeyadaa Samawada? Ma ku qososhay markay ayeeyo tiri Jubbalanaad? Puntlanaad? Somalilanaad? Ka dibna horjoogahaagu ma ku yiri: “Haddii kale waxaan lahaa!” Adiguna ma tiri: “Haaheey!” Oo ma u jidbootay goboleysiga? Ma u weyraxday?

Fariid!

Maalin walba Quraanka ma akhrisay iyo Suuraddii Zukhruf aayaddii quseysay dooddii mushrikiinta? “Kuwa ka yeesha Eebbe ka sokow awliyo waxay oran uma caabudno inay Eebbe noo dhaweeyaan mooyee,” Quraan 39:3. Ma uga turtay aadanahaas in ay meelo yar yar ku mashquuleen oo ay sidaana ku seegeen Eebbe Weyne? Dantoodii dhabta aheyd seegeen? Dhanka kalese adigu ma ku qanacday gobollo yar yar adigoo qarannimo waasac ah heli karay? Weliba goboleysiga qiil ma u sameysay oo ma tiri: “Mayee goboleysigu waa waddo aan ugu dhowaaneyno un sidii qarannimo loo heli lahaa”? Misana ma faraxdaa oo ma u nacamlaysaa marka uu horjoogaha maamul-goboleedkaagu iscajabiyo oo uu curyaamiyo qarannimada?

Markuu ina-adeerkaa kala qoqob iyo qabyaalad dan kaaga dhigay misana ma kugu qanciyay himmad-yari? Oo ma kugu mashquuliyay sannad-guurooyin iyo calamo loo lulo goboleysi? Misana ma u qaadatay in sidaa dan tahay? Sax tahay? Qumman tahay? Fiyowbi tahay? Fiican tahay? Horusocod tahay? Ilbaxnimo tahay? Caddaalad tahay? Ma garowsan weysay ina-adeerka aad horjoogaha ka dhigatay inuu qalbigaaga ku beeray ugxamo la yiraah qaran-diid kuwaasoo kaa dilay waddan jaceylka? Ma garowsan weysay aragti-gaabnida iyo dhagarta dooddiisa markuu ku lahaa: “Xalku waa in qabiil walba deegaankiisa ka taliyo oo federaal la noqdo”? Ma garowsan weysay inaad is weyddiisid maxaa qasab ka dhigay in federaalnimo ay noqoto waddada keliya ee loo maro qarannimo? Ma garowsan weysay in goboleysigu uu noqday waddo lagu xalaaleysto takoorka iyo sed-bursiga qabiilaysan iyadoo lagu dulminayo Soomaali kale oo ah Muslim karaamo leh? Marba haddii qabiilkaagu yahay kii boobka iyo sed-bursiga waday shibta ma ku dadaashay oo ma u danqan weysay walaaltinimada Soomaaliga kugula nool gobolka? Xaq-dhawrna ma u diidday?

Garowsi aad luggooyada goboleysiga garowsato iska daayee ma u sacabbo-tuntay? Ma u alalaastay? Ma u geeraartay? Ma u fatwootay? Oo weliba ma taageertay markii horjoogaha maamul-goboleedkaagu af-buuxa oo caasinnimo ah dharaar cad ku yiri: “Amar-diiddo ayaan ahay. Dowladda ayaan xiriirka u jaray. Cidna juuq iima oran karto. Anaa gobolkan amiir ka ah. Reerkaygaa hiil iyo hooba ila garab taagan”? Saa adigoon ka dhiidhiyin caasinnimada ina-adeerkaa ma tiri, “Nacam yaa sayidii!”? Saa isagana ma ku yiri: “Haddii kale waxaan lahaa!”? Adna ma ugu jiibisay: “Haaheey!”? Sidaa ma yeeshay adigoo diidayo inay qarannimadu kula xisaabtanto? Oo weliba horjoogaha maamul-goboleedkaaga ma u sii raacisay ballan-qaadkan: “Sayidii: anigoo ah ina adeerkaa ayaa wallaahi iyo billaahi iyo tallaahi maanta ku garab taagan! Jir oo joog!”? Saa si anshaxa ka arradan xanjo afka kuugu jirtay dhash ma ka siisay adigoo qaawan oo dharkii qarannimo lagaa furtay, ruuxdii waddaninimana lagaa siibay? Kaaga darane ma haruuftay oo hangool ma isaga qabatay hal-doorkii kuula soo gurmaday dhar iyo dheefba? Walaalow isagoo ku lehna wadno-fuq ma ku ridday? Garabkiisana ma ka baxday? Kaaga sii darane ma ku jeejeestay oo ceeb ma uga dhigtay inuusan xitaa wada xukumin Xamar? Markaad feker ahaan iyo ficil ahaanba goboleysi ku qanacday adigana Ilaah ma ku fashilay oo rubuc qarni kaalinta koowaad ma u gashay bulshooyinka dib u dhacay dunida? Fariid!

Goboleysigii laguu dhoodhoobay ma ku hungowday? Meel ma ku gaarsiin waayay? Caddaalad ma ku siin waayay? Waddooyin ma kuu dhisi waayay? Biyo la’aan ma kaa haqab-tiri waayay? Ma kaa dhicin waayay ganacsato waalidkaaga cunsiisa daawo sun ah? Ma kaa difaaci waayay musiibooyinka dabiiciga ah? Ma kuu abuuri waayay fursado shaqo oo aad tahriibka uga maarantid? Ma soo deyn waayay wiilasha kaaga xiran xabsiyada dibedaha? Ma kuu hiillin waayay markii ay Kenya tiri diyaaraddii Xamar ka duusho Wajeer qasab ha ku degto? Ma garowsan weysay in Ilaah ku fashilay oo lagugu salliday daneystayaal shisheeye-kalkaal ah oo aad ilmo-adeerro u taqaan? Oo qalinka ma ku duugeen qandaraasyo aad weligaa faqri ka ahaan doontid?

Halkii ay si daacad ah kaala hadli lahaayeen qorshahooda ku aaddan dib-u-dhiska dalka, dib-u-dejinta barakacayaasha, sugidda ammaanka xudduudaha, soo celinta adeegyadii aasaasiga ahaa sida boostada, hindisidda fursado shaqo-abuur si looga maarmo calalinta daroogada maalin walba laga soo dhoofiyo dalalka deriska ah, dhowrista bey’adda xaalufintu galaafatay, dhisidda biyo-xireenno loo aayo xilliga abaaraha, dhisidda qalabka tamarta dhaliyo si ay tuulo walba nal iyo iftiin u hesho, badbaadinta hooyada ummul-raacda, dayac-tirka waddooyin 30 sano burbursanaa, askumidda ciidan dab-demis oo gobolku yeesho, iyo dejinta iyo dabbiqista sharci dadka kala hago, hor-joogaha maamul-goboleedkaagu ma la soo shir tagay dalbasho shaqsiyaddiisa keliya dan u ah? Adiguna eexasho ma ugu hiillisay markuu dalbaday in kursiga waqti loogu daro iyo markuu sidii madaxweyne qaran ku dhaqaaqay inuu dalal shisheeye qandaraasyo la soo galo?  

Miskiin! Maxaa kugu diray qarannimada?

Goboleysi maad i tiri? Adigoo diiddan inaad qarannimo wax ku noqotid mid cidaha ah ma ku dulmiyay? Saa caddaalad ma u doonatay dowlad-goboleedkaagii qabiilaysnaa? Adigoo indhahaagu shan yihiin gar-eex ma lagugu quusiyay? Sharcigii ma la gablamiyay? Oo af aan ilko laheyn ma laga dhigay? Adigoo fashilmay misana ma iska qanacday? Kaaga sii daranee weli ma la soo taagan tahay ereyadan oo sidii qof faani karo Facebook ma ku soo qortaa: “Qaran wax laguma noqdee qabiil ayaa wax lagu noqdaa”? Fariid!

Ma ku faantay askar goboleed aad u qalabeysan? Sawirradooda ma faafisay? Buunbuunisay? Misana isla askartii ma laguu adeegsaday markuu shisheeyuhu qaadanayay dekeddaada? Qoriga afkiisa ma kugu soo jeedsheen iyagoo shisheeye u adeegayo? Adigoo meyd ah intaad subixii xigay sidii qof nool u soo labbisatay ma soo baxday adigoo xiran dhar sidii qof dhar xiran, una neefsanayo caadi sidii qof nool? Saa adigoo muusoonayo sidii qof fiyow Facebook ma ka difaacday dulmigii askarta? Goboleysiga ma ka sare marisay qarannimo? Ka dibna sawir ma la soo gashay horjoogihii maamul-goboleedkaaga ee kaa furtay dharkii qarannimada, kaana qaaday ruuxdii waddaninimo? Sidaana ma ku noqotay fashilme la kor dhabey, la hoos dhabey, la godey?

Fariid!

Saa misana Ilaah ma ku sii fashilay mar kale oo ma kula soo derseen musiibooyin joogto ah oo heer qaran keliya looga bixi karo? Musiibooyin dabiici ah ma ku hafiyeen? Saa Ilaah caqligaaga ma fashilay? Ma garowsan weysay in horjoogihii gobolka ee aad u jidbeysnayd uusan furdaamin karin musiibadan? Nasiibkaagase qarankii aad hangoolka ku qabaneysay hiil iyo hoo ma kuugu yimid? Balse sidii caadada kuu aheyd ma xaqirtay? Misana ma yureysay? Oo weliba eed ma u sii raacatay? Oo mar kunaad ma u jidbootay beenta iyo huuhaada maamul-goboleedkaaga kala dhantaalayo midowgii ummadda iyo cududdii qarannimo?

Ilaah misana ma ku fashilay markaad goboleysi ka doontay nolol leh xornimo, caddaalad, sinnaan, iyo barwaaqo? Ma ku faantay goboleysi adigoo quursanayo qaran? Misana ma fashilantay oo ma lagu tusay in goboleysi uusan ku gaarsiin karin xornimo, caddaalad, sinnaan, iyo barwaaqo dhab ah? Ka dibna ma ku dhici weysay inaad iska riddo heeryada federaalnimo ee kuu diiddan midnimada iyo wadajirka sidii Masjid Dhiraarkii Suuradda Tawbah? Goboleysigu rubuc qarni ma kaa saari waayay meerto ah biyo la’aan, shaqo la’aan, caddaalad-darro, waddooyin burburay, caafimaad la’aan, waxbarasho la’aan, sharci la’aan, iyo amni la’aan? Markuu waagu beryay magaalada ma u soo kallahday adigoo labbisan, kase meeqaam hooseeyo siduu ahaan jiray horjoogahaaga labaatanjirnimadiisii beriguu hoos harsanayay calanka buluugga ah?

Hal-door duco-qabe ah ma kuu turay oo ma kuu sheegay cudurkaaga? Si hoose iyo si koreba ma kuu yiri waxaad u baahan tahay hal dawo keliya? Hal dawo oo magaceedu yahay qarannimo – dawo kaala dagaallami laheyd musiibooyinka ku naafeeyay sida dilka, dhaca, kufsiga, colaadda, faqriga, jahliga, gaajada, harraadka, fatahaadda, tahriibka, dabar-go’a bey’adda, boobka dekedaha iyo dhaxal-wareejinta dhulkaaga. Misana sidii lagu yaqaannay qof buka, soo adigan iska halgaaday daawadii oo uf yiri? 

Miskiin!

Waxaa qarannimada fashiliyay waa adiga oo Dowladda u diiday inay soo xulato qof tayo leh oo shaqo hufan qaban karo adigoo ku booyaya: “Qabiilkayga! Qabiilkayga! Alla qabiilkaygaay! Madaxweynow uf haddii aad qadisay qabiilkayga! Uf! Uf! Uf!” Maxaa xigay? Ma isweyddiisay? Fashil. Fashil Samaawi ah. Fashil Ilaah ku fashilay. Qarannimadii ayaa lagaa fogeeyay. Xalkii ayaa lagaa fogeeyay. Dantaada ayaa lagaa fogeeyay. Kaaga darane weli ma aadan garowsan fashilkaaga.

Maalinkii xigay misana musiibo kale ma dhacday? Ka dibna afka ma ka tiri: “Yaa Allaah! Allow Soomaali badbaadi! Allow musiibooyinka sidii tusbax kunle ah isu daba taxan naga dul qaad! Yaa Allaah! Ilaahow Soomaaliya cagaheeda ku istaaji!” Uurkase ma ka diidday inaad ka kortid qoqob iyo qabyaalad? Inaad u dallacdid qarannimo? Qarannimadii kuu soo gurman laheyd. Qalbiga ma ka jeclaatay oo ma addeecday ilmo-adeerro qaran-diid ah oo ma ugu heestay: “Hadduu beerku qeybsamo / Bar baan adi ku siin lahaa”? Saa isagoo ka faa’iideysanayo daciifnimadaada hoosta ma ka yiri: “Alxamdulillaah: Lax waliba shilahay is dhigtaa lagu qalaa”? Ka dibna ma kuugu roonaaday tashwiish iyo tuhun-abuur? Oo hadal ma kuugu soo af jaray: “Haddii kale waxaan lahaa!”? Saa adigoo jidbeysan ma ku xadreysay: “Haaheey!”? Ka dibna faro-jirjir ma ku dhufatay haldoorkii kuugu nasteexeeyay qarannimo iyo isku duubni? Oo kun jeer haldoorkii ma ku tiri: “Uf!”?

Saa adigoo meertadaas mugdiga ah ku nool si sahal ah ma ugu dhacday shabaqii saddexda tuug? Saddexdee tuug maad tiri?

Waa saddexdii tuug ee u tashatay ninkii ariga la joogay. Waa tay isku raaceen in ari-jirka la dhaco, xoogse aan lagu maquunin ee isagoo raalli ah oo indhihiisu shan yihiin xoolaha laga qaato. Saddex qof oo aan is ogeyn ayay tuugtii iska dhigeen. Tuuggii koowaad ayaa kor yimid ari-jirihii, oo yiri: “War miyaadan wax isku faleyn? Maxaa eyda ku ag joojiyay?” Ari-jirkii oo isku kalsoon baa yiri, “Kir iyo kal. Waxakan waa riyo ee ey ma ahan.” Tuuggii labaad ayaa cabbaar ka dib yimid, isla sidiina yiri: “Maxaa eydan ku ag joojiyay?” Ari-jirihii shaki iyo tashwiish ayaa galay, oo soo dabcay. Tuuggii saddexaad ayaa cabbaar ka dib yimid oo isla su’aashii weyddiiyay ari-jirihii. Wuxuu ari-jirihii is yiri intaas oo qof kama saxsanide cagaha wax ka day – oo wuxuu ka cararay xoolihiisii. Saa tuugtii ayaa kaxeysatay riyihii shiddo la’aan.

Sidoo kale kheyraadkii Soomaaliya adigoo ka gaajeysan ma lagu xadaa magac goboleysi? Intii la xadayay ma lagugu mashquuliyay sannad-guurro iyo calamo qabiileed? Ma diidday inaad isweyddiisid imisa xoolo ayaa 28 sano lagaa xadayay? Ma yureysay oo hangool ma isaga qabatay qarankii kuu ilaalin lahaa danahaaga? Dowladdii xoolaha kuu ilaalin laheyd uf ma tiri? Goboleysi iyo gunnimo ma ku qanacday? Kaaga daranee Facebook ma ku soo qortaa murtidii Aanishteen adigoon ku dabbiqin waaqacaaga: “Waallidu waa ku celceliska hal arrin adigoo misana filanaya natiijo cusub”? Ma garan weysay in goboleysi iyo nin-jeclaysi aysan ka dhalan natiijo qaran?

Shabaqa ma ugu dhacday oo ma ku kadsoontay hadallada fadhi-ku-dirirka ee ilma adeerradaa oo sidii saddexdii tuug ay maalin walba tashwiish kuu gelinayeen iyagoo ku leh: “Ma dowladda CabdiQaasim? Taada ma ahan! Ma dowladda Cabdullaahi Yuusuf? Taada ma ahan! Ma dowladda Shariifka? Diid! Ma dowladda Xasan? Iyana diid! Ma dowladda Farmaajo? Kun jeer diid!” Ka dibna ma isaga hadaaqday ereyga ‘Looma dhamma!’ oo ma ku hadashay af aadan laheyn oo uu nin kale oo daneyste ah lahaa? Dowlad u dhaawacan sidii ninkii ay fallaartu ka gashay isha iyo barida ma u diidday inaad ka siibto fallaarta barida si ay salka u dhigato? Inaad fallaar ka siibtid iskaba daaye ma ku sii ligligtay oo ma uga sii dartay? Kaaga sii darane ma ka filatay Dowlad aad sidaa u silcisay inay kuu soo gurmato, kuuna ciidamiso? Fariid!

Markaad ku ligligtay fallaarta oo aad danqisay misana ma ku doodday Dowladdu waa fashil? Fashil! Fashil! Ma kaa hoos baxday in ganacsatada, aqoonyahanka iyo shacabka adiga ahba aad wada dayacdeen kaalintiinnii ku aaddaneyd badbaadinta qaranka iyo sugidda amniga? Haddii aad ganacsade aheyd, Dowladdii ma cunaqabateysay? Khawaarijna mushaar ma u qortay? Haddii aad aqoonyahan aheyd, qalinka ma ku hagratay qarannimo oo ma u ololeysay goboleysi? Bulshada ma kala bakheyshay aqoontaada oo ma ka qarisay in federaalnimo laga dhaxlay fitno iyo gobollo shisheeye-kalkaal ah oo mar walba isku dhereriyo Dowladda dhexe? Federaalnimada ma ku qeexi weysay inay tahay Masjid Dhiraarkii lagu burburinayay wadajirka ummadda Soomaaliyed? Xaqiina ma qarisay adigoo diidaya in gobolkaaga lala xisaabtamo, waxna lala lahaado? Haddii aad shacab aheydna, daawade un ma iska noqotay aan ka dhiidhiyin hagardaamada sokeeye iyo shisheeyaba? Sidaana shacab ahaan ma kugu dul fasirmay googgaaleysigii ahaa “Xeradaydu waa wada ul – ul la qaato ma leh”?

Fashilkaaga ugu weyn ma noqday inaad ku fashilantay inaad ogaatid inaad fashilantay? Fariid!

Aakhirkiina adiga shacabka ah ma ka bixi la’dahay meertada kaa dhigtay qaran-seeg, musiibo-u-joog ah?

Haddii aynu sharaf ka raadinno wax aan ahayn wixii Eebbe Weyne nagu sharfay, Ilaah wuxuu nagu ridi karaamo-beel. ~ Cumar binu Khadhaab

~Dhammaad~

Cabdullaahi Janno

[email protected]

Facebook.com/AbdullahiJanno1


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.