W/Q: Nuur Xasan Guure (Nuuradiin)
Soomaaliya maanta kuma jirto muran doorasho keliya, khilaafkuna ma aha mid lagu xallin karo hadal kooban, shir-jaraa’id, ama guul hal dhinac u muuqata. Waxa dalka horyaalla waa imtixaan qaran oo taabanaya saldhigga sharci ee dowladda, xasilloonida hay’adaha, isku-haynta nidaamka federaalka, iyo aaminaadda bulshada Soomaaliyeed ee dowladnimada.
Khilaafka hadda jira wuxuu ka gudbay heer tartan siyaasaddeed. Wuxuu gaaray marxalad la isku hayo cidda xaqa u leh hoggaaminta, cidda maamuli karta kala-guurka, iyo cidda lagu aamini karo mustaqbalka nidaamka dowladeed. Marka dooddu halkaas gaarto, arrintu ma sii ahaato muran u dhexeeya xisbiyo ama kooxo siyaasadeed; waxay isu beddeshaa su’aal qaran oo u baahan masuuliyad, deggenaan, iyo garasho dowladnimo.
Muddo-xileedkii Baarlamaanka Federaalka wuxuu dhammaaday 14-kii Abriil 2026, halka muddo-xileedka Madaxweynaha uu ku ekaa 15-kii May 2026. Iyadoo aysan jirin doorasho la isku wada raacsan ydahay, hannaan kala-guur oo cad, ama is-afgarad siyaasaddeed oo qaran, dalka wuxuu galay xaalad hubanti la’aan siyaasadeed ah. Hay’adihii federaalka weli way shaqeynayaan, balse aqbaliddooda gudaha si weyn ayaa loogu muransan yahay. Taasi waa xaqiiqo siyaasaddeed oo aan la iska indho tiri karin.
Dowladdu waxay haysataa aqoonsi caalami ah, taageero dhaqaale oo dibadeed, iyo maamulka xarumaha muhiimka ah ee federaalka. Laakiin aqoonsiga dibaddu keligiis ma dhiso oggolaansho gudaha ah. Dowladnimada dhabta ahi waxay ku taagan tahay aaminaad bulsho, wada-ogol siyaasaddeed, wadatashi federaal, iyo nidaam dastuuri ah oo lagu wada qanacsan yahay. Meesha ay aaminaaddu ka baxdo, awooddu waxay isu beddeshaa muran; haddii uu muranku sii xoogaystana, hay’aduhu waxay lumiyaan miisaankooda qarannimo.
Waxaa habboon in laga taxaddaro hadallada kulul ee kasoo baxaya madaxda dowladda, gaar ahaan marka lala hadlayo mucaaradka. Hanjabaad siyaasaddeed, af adag, aflagaado, iyo muujin awood ciidan ma dajin karaan xaaladda nugul. Taas beddelkeeda, waxay sii xoojin karaan cabsi, kala-shaki, iyo dareen ah in hay’adihii qaranka loo adeegsanayo loollan siyaasaddeed. Dal jilicsan sida Soomaaliya, eray siyaasadeed oo aan la miisaamin mararka qaar wuxuu keeni karaa saameyn ka ballaaran tii laga filayay.
Xaqiiqada jirta waxay tahay in awoodda dowladda federaalka ay si buuxda ugu xooggan tahay Muqdisho iyo deegaannada ku dhow. Gobollada kale, saamaynta maamulka federaalka waxay ku xiran tahay heshiisyo siyaasadeed, xiriirro maamul, taageero beeleed, iyo oggolaansho ay bixiyaan dowlad-goboleedyadu. Sidaas darteed, in siyaasadda lagu saleeyo tiro-koob beeleed oo ku wareegsan Muqdisho iyo beelaha ku xooggan caasimadda waxay abuuri kartaa dareen ka-fogeyn ah oo ay qaataan saamileyda kale ee qaranku.
Soomaaliya weli waa bulsho siyaasaddeedu si weyn ugu xiran tahay beel, deegaan, iyo isu-dheellitirnaan awood. Taasi ma aha wax la jecel yahay, balse waa xaqiiqo siyaasadeed oo jirta. Sidaas awgeed, xukuumad kasta oo doonaysa inay dalka si deggan u hoggaamiso waa inay fahamtaa in aqbalid siyaasadeed aysan ka dhalan kaliya xafiis, calan, ama kursi. Waxay ka dhalataa heshiis bulsho oo joogto ah iyo dareen wada-lahaansho oo ay saamileydu ku qabaan nidaamka.
Mas’uuliyadda ugu weyn ee xaaladdan waxay saaran tahay dowladda hadda jirta. Afartii sano ee lasoo dhaafay waxaa la filayay in la dhiso kalsooni siyaasaddeed, la xoojiyo wadatashiga federaalka, lana dejiyo hannaanka doorashooyinka. Waxaa sidoo kale la filayay in la abuuro hay’ado isu dheelli tiran. Balse waxa muuqda waa in mucaaradka, qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, iyo qaybo bulshada ka mid ah ay qabaan walaac ah in awoodda lagu uruuriyey Villa Soomaaliya, halka go’aannadii waaweynaa ee qaranka laga dhigay kuwo hal xafiis kasoo baxa.
Doorasho qof iyo cod ah waa himilo qaran oo mudan in la taageero. Soomaaliya waa inay gaarto maalin muwaadinku si toos ah u doorto hoggaankiisa. Laakiin himiladaas laguma gaari karo degdeg siyaasaddeed, hal-ku-dheg, ama hannaan aan lagu wada qanacsanayn. Doorasho noocaas ah waxay u baahan tahay amni, diiwaangelin codbixiyeyaal, guddi madax-bannaan, sharciyo lagu heshiiyey, maamul doorasho oo shaqeynaya, iyo oggolaansho siyaasadeed oo ballaaran.
Haddii shuruudahaas la waayo, doorasho magac ahaan “qof iyo cod” loo yaqaan waxay isu beddeli kartaa qalab lagu sharciyeeyo awood horey gacanta ugu jirtay. Doorashadu ma aha magaca lagu dhawaaqo; waa kalsoonida lagu galo, hufnaanta lagu maamulo, iyo natiijada ay dhinacyadu aqbalaan. Haddii aan la helin xal siyaasaddeed oo loo dhan yahay, doorasho kasta waxay noqon kartaa bilowga khilaaf cusub halkii ay ka noqon lahayd xallin qaran.
Waxaa intaas dheer in siyaasadda Soomaaliya weli ku shaqeyso nidaamka 4.5. Inkasta oo laga gudbi karo, haddana lagama gudbi karo iyadoo aan la dhisin beddel lagu kalsoon yahay. Haddii nidaamkii hore si dhab ah loo beddelayo, waa in la keenaa hannaan cusub oo leh saldhig adag, ka hufan kii hore, nidaamkana loo dhan yahay. Haddii kale, magaca “qof iyo cod” wuxuu noqon karaa dabool siyaasadeed oo aan xallinayn su’aasha asaasiga ah ee saamiga, matalaadda, iyo qanacsanaanta siyaasaddeed.
Amniga sidoo kale lama sahashan karo. Al-Shabaab weli waxay saameyn ku leedahay qaybo badan oo dalka ka mid ah. Doorasho qaran oo dalka oo dhan ka dhacda waxay u baahan tahay amni la isku halleyn karo, maamul degmo oo shaqeynaya, waddooyin ammaan ah, iyo awood lagu ilaaliyo goobaha codbixinta. Haddii arrimahaas aan si dhab ah loo diyaarin, doorasho lagu dhawaaqo waxay noqon kartaa mid ka badan awoodda dhabta ah ee dalku u diyaarsan yahay.
Khatarta ugu weyn ee maanta taagan ma aha oo keliya dagaal toos ah oo dhex mara dowladda iyo mucaaradka. Khatarta ka weyn waa burburka tartiib-tartiibta ah ee hay’adaha qaranka. Haddii ciidamada qalabka sida ay u kala jabaan beel-beel, haddii amarada maamulka dhexe la diido, haddii siyaasiyiin abaabulaan maleeshiyaad beeleed, ama haddii dowlad-goboleedyadu sii fogaadaan, markaas khilaafku wuxuu ka bixi karaa gacan siyaasaddeed, wuxuuna geli karaa marxalad amni oo guud.
Waxaa sidoo kale dhici karta in taageerada dhaqaale ee caalamiga ahi hoos u dhacdo haddii beesha caalamku aragto in dowladda federaalka aysan ilaalin karin wada-ogol siyaasaddeed, nidaam lagu wada qanacsan yahay, iyo xasillooni hay’adeed. Soomaaliya miisaaniyaddeeda iyo hawlo badan oo dowladda ah weli waxay ku tiirsan yihiin taageero dibadeed. Haddii isku-halleyntaas dhaawacanto, waxay saameyn toos ah ku yeelan kartaa ciidamada, shaqaalaha rayidka ah, adeegyada dowladda, iyo guud ahaan habsami u socodka maamulka.
Halista kale waa in dalka gudihiisa ka abuurmaan laba xarumood oo mid walba sheeganayo sharciyad siyaasaddeed. Taasi waa xaalad aad uga khatar badan khilaaf caadi ah. Marka sharciyaddu labo noqoto, amarku wuu laboobaa. Marka amarku laboobo, ciidanku wuu kala shakiyaa. Marka ciidanku kala baxaanna, dowladnimadu waxay gashaa marxalad halis ah.
Kala-fogaanshaha siyaasaddeed mararka qaar kama khatar yara dagaal toos ah. Dagaal hubaysan wuxuu burburiyaa dhismooyin iyo magaalooyin; balse kala-fogaanshaha qaran wuxuu burburiyaa aaminaadda, xiriirka bulshada, iyo fikradda ah in dadka Soomaaliyeed weli wada leeyihiin hal mashruuc qaran. Taasi waa khatarta ugu weyn ee maanta la iska indho tirayo.
Soomaaliya maanta waxay si degdeg ah ugu baahan tahay is-afgarad siyaasaddeed oo qaran. Is-afgaradkaas waa inuu qeexaa muddada kala-guurka, jadwal doorasho oo macquul ah, doorka dowlad-goboleedyada, kaalinta mucaaradka, hannaanka amniga, iyo cidda fulinaysa waxa lagu heshiiyo. Wada-xaajood aan lahayn fulin, dammaanad, iyo kormeer dhexdhexaad ah wuxuu noqon karaa kulan kale oo lagu kala tago.
Dalku maanta uma baahna hoggaan ku faana adkaan siyaasaddeed, caga-jugleyn, hanjabaad, ama luqad dagaal. Soomaaliya waxay u baahan tahay hoggaan fahamsan in awoodda dowladeed aysan ahayn mid lagu muquuniyo dadka diidan, balse ay tahay masuuliyad lagu mideeyo dadka kala aragtida duwan. Hoggaanka dhabta ahi ma aha kan guuleysta marka dalku kala-tag qarka u saaran yahay; waa kan tanaasul sameeya si midnimada qaranku u badbaado.
Haddii is-maandhaafkaas aan la xakameyn, wuxuu dhalin karaa dareen ka ballaaran muran doorasho oo keliya. Su’aasha weyn ee maanta taagan waxay tahay: haddii dareenka kala-tagga iyo aaminaad darradu sii kororto, ma ku ekaan doonaan hal gobol oo keliya?
Gobolka waqooyi-galbeed ee ku dhawaaqay gooni isu-taagga 1991 wuxuu muddo dheer ahaa tusaale muujinaya halka uu gaari karo kala-fogaansho siyaasaddeed oo aan waqtigiisa wax laga qaban. Ujeeddadu ma aha in la saadaaliyo kala-tag cusub, balse waa in la fahmo sida kalsooni darradu u dhalin karto waddooyin siyaasaddeed oo sii kala fogeeya bulshada. Marka dadku dareemaan inaysan qayb ka ahayn go’aanka, waxay bilaabaan inay raadiyaan waddooyin kale. Taariikhdu waxay ina bartay in kala-taggu aanu hal maalin dhicin; wuxuu ka bilowdaa aaminaad darro, wuxuu ku koraa kala-fogeyn, ugu dambeyntiina wuxuu isu beddelaa go’aan siyaasadeed oo ay adag tahay in dib loo celiyo.
Soomaaliya maanta waxay taagan tahay laba waddo hortood. Mid waa wada-xaajood, wadatashi, iyo dib-u-dhis kalsooni bulsho. Midda kale waa is-adkayn siyaasaddeed, is-muquunin, iyo kala-fogaansho qaran. Doorashada waddada saxda ahi waxay u baahan tahay geesinimo siyaasadeed — geesinimo aan ku jirin hanjabaad, balse ku jirta tanaasul; aan ku jirin guul kooxeed, balse ku jirta badbaado qaran.
Gabagabadii, Soomaaliya weli waa la badbaadin karaa. Laakiin badbaadadeedu kuma xirna in hal dhinac guuleysto, dhinac kalena laga guuleysto. Waxay ku jirtaa in dhammaan dhinacyadu aqoonsadaan in dowladnimadu ka weyn tahay kursi, muddo-xileed, xisbi, ama dano kooxeed. Dalka waxaa badbaadin kara is-afgarad siyaasaddeed oo loo dhan yahay, aaminaad bulsho oo dib loo dhiso, iyo hoggaan fahamsan in awoodda aan la wadaagin ay ugu dambeyn burburiso wixii ay ahayd inay ilaaliso.
Dalalka badbaada ma aha kuwa aan khilaaf lahayn; waa kuwa awood u yeesha inay khilaafkooda ka hormariyaan qarannimadooda.
Nuur Xasan Guure (Nuuradiin)
Email: nurgure87@gmail.com
