Muqdisho, Juun 25, 2016 (WDN)- Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa ka dhacay Hotelka Nasa Hablood ee ku yaalo degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ka dib ayaa waxaa la sheegayaa in ay Hotelka gudha u galeen dabley hubeysay kuwaasi oo ay warar iskhilaafsani ka soo baxayaan tiadooda balse dad goobtaasi Joogay oo u warramay Wardheernews ay ku sheegeen in ilaa 6 ruux ay dhammaayeen dableyda weerrarka ku qaadday Hotelku.
Ciiddanka ammaanka dowlada Soomaaliya ayaa Gaaray goobta uu Hotelka la weerraray ku yaal, waxaana la xiray waddooyinka soo galo iyadoo rasaas xooggani ay wali ka dhacayso Hotelka gudihiisa mana jirto cid ilaa hadda sheegi karta Khasaaraha ka dhashay weerrarka.
Weerrarkaan ayaa wuxuu ka mid ah noqonaya weerarrada ay Al-shabaab ka geysanayeen dhawaanahan magaalada Muqdisho, inkastoo aysan jirin cid weli Sheegatay in ay mas’uul ka tahay weerrarka maanta.
Wixii war ah ee ku soo Kordha wararkeena dambe ayaad kula socon doontaan insha alaah
Maxamed Nuur Amiin
Wardheernews Muqdisho
Leave a Reply