Muqdisho (WDN)– Qarax ismiidaamin ah oo aad u xooggan ayaa lagu weeraray xarunta wasaaradda waxbarashada,hiddaha iyo tacliinta sare ee ku taalla agagaarka isgoyska KM5 ee magaalada Muqdisho kaasi oo jugtiisa laga maqlay guud ahaan degmooyinka gobolka Banaadir.
Qaraxa kadib ayaa mar kaliya rasaas xooggan hawada isqabtay, waxaana wararku sheegayaan in gudaha ay u galeen rag hubeysan halka ilaalada wasaaradda iyo ciidamada amniga ay iska caabbin xoog leh wadaan.
Ma jirto faahfaahin rasmi ah oo ku aaddan weerarkaan iyo khasaaraha ka dhashay, mid ka mid ah agaasimayaasha wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare oo qaraxa iyo weerarka kasoo badbaadey ayaa shabakadda Wardheernews u sheegay inuu alle kasoo samata bixiyey, laakiin qaraxu uu ahaa mid awooddiisu aad u xooggantahay khasaaraha ka dhashayna aan laga warbixin karin.
Burbur laxaad leh ayaa soo gaadhay goobta qaraxu ka dhacay ee xarunta Wasaaradda Waxbarashada.
Dhawaaqa rasaasta ayaa illaa iminka la maqlayaa, waxaana aad u socda gaadiidka gurmadka degdegga ah ee caafomaadka oo dhaawacyada isku dayaya in ay halkaa kasoo qaadaan, halka ciidamada ammaanka dawladda federaalka Soomaaliya ay wadaan dadaallo weerarkaan ay doonayaan in ay kusoo afjaraan.
Inkastoo aanay jirin weli cid sheegatay weerarka ayaa haddan aalaaba weerarada noocan ah ay yihiin kuwo ay fuliyaan ururka argagixisada ah ee Alshabaab ee dagaallada ka wada dalka Soomaaliya siiba gobollada koonfireed.
Dowladda Soomaaliya ayaa war ay ka soo saartay qaraxa ku tilmaantay mid muujinaya afkaarta qaldan ee argagixisada Al Shabaab, oo ka soo horjeeda oo lagu daminayo iftiinka waxbarashada.
Wixii warar ah ee soo kordha waxaanu idinkula socosiin doonaa wararka dambe.
Maxamed Cumar Sheekh Adan
WardheerNews, Muqdsiho
