Muqdisho (WDN)- Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helaayaa weerarkii qaraxyada ku bilowdey, kaasi oo maleeshiyo hubeysan oo Alshabaab ka tirsanna ay gudaha u galeen xarunta Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare. Inta la ogyahay waxaa illaa iyo hadda ku dhintey 10 ruux oo isugu jira saraakiil ciidan, suxufiyiin iyo dad rayid ah oo goobta ka dhawaa.

Taliyaha saldhiga degmada Hodan Xuseen Cadceed ayaa ka mid haa dadkii ku dhintey weerarka argagixisada, isaga oo gurmad ahaan goobta u yimid. Waxaana haleelay qarixii labaad ee goobta ka dhacay.
Waxaa sidoo kale ku dhintey Maxamed Ciise Koonaa oo ahaa suxufi caan ah oo ka hawlgala Talafishinkla M24 iyo tiro dad rayid ah oo goobta ka dhawaaa waxaana dadka dhaawacmey ka mid ah Suxufi Cabdiqaadir Ok oo idaacadda codka Mareykanka ee VOA ka tirsan.
Xilliga qaraxyadu dhacayeeen xarunta wasaaradda ee la beegsadey, kuma sugneyn wasiirka wasaaraddaasi Faarax Sheekh Cabdiqaadir,ku xigeenkiisa iyo agaasimaha guud, balse xarunta wasaaradda ayaa sedexdii isbuuc ee lasoo dhaafay mashquul ahayd waxaana ay fidinaysid adeega bixinta shahaadooyinka dugsiyada sare oo ardeydu xarunta aad u imanayeen.
Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda dawlad goboleedyada oo magaalada Muqdisho uu maalinkii khamiista ahayd uga furmey shirka madasha wada tashiga qaran, ayaa maanta ku dhawaaqay in go’aan mid ah ay ka qaateen la dagaalanka argagixisada Alshabaab iyo Daacish. Waxa ayna sheegeen in si wada jir ah ay ula dagaalamayaan kooxahaasi argagixisada ah iyo cidwalba oo taageero u fidisa.
Xarakada Alshabaab ayaa sheegatey masuuliyadda weerarka qaraxyada ku bilowdey ee maanta duhuradii lagu qaadey xarunta wasaaradda hiddaha iyo tacliinta sare kuwaasi oo loo adeegsadey laba gawaari oo noocoodu yahay Surf iyo NOAH oo kuwada raaxada ah. Gaariga hore ayaa lagu dhuftey afaafka hore ee xarunta wasaaradda halka gaariga labaad lala beegsadey ciidamadii amaanka ee gurmadka ahaa. Waxaana jugta qaraxyadani laga maqlay guud ahaan caasimadda kadibna waxaa xarunta gudaha u galay rag hubeysay oo ka tirsan Alshabaab.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
