Weerar is qarxin ah oo lala beegsaday Xabsiga Dhexe ee Muqdisho

Muqdisho (WDN)- Weerar is qarxin ah ayaa maanta ka dhacay Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho. Qaraxaasi ayaa lala beegsaday banaanka Masaajid ku dhow xabsiga oo ay salaadii jimcaha ku tukanayeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Asluubta.

Xabsiga Dhexe ee Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qof xirnaa jaakadaha qarxa uu isku qarxiyay afaafka hore ee masaajidka, waxaana illaa iyo hada la ogeyn sababaha ay is qarxiyaha ugu suurta gashay in  uu soo gaadho  xabsiga, iyada oo ay jiraan baro baaritaan oo uu maro qof kasta oo ku socda ama gelaya Xabsiga.

Sidoo kale warar soo baxayaa ayaa sheegaya in ninka is qarxiyay laga yaqaanay Xabsiga Dhexe, waxaana socda baaritaano.

Jen. Xuseen Xasan Taliyaha Ciidamada Asluubta oo ka mid ahaa saraakiishii masaajidka ku tukaneysay, ayaa ka bad baaday weerarka is miidaaminta ahaa.

Side ay shaacisay wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA, waxaa weerarka ku dhintay hal askari ugu yaraan.

Weerarkan ayaa ah kii ugu horeeyay noociisa ee ka dhaca Xabsiga Dhexe ee Muqdisho oo ah goob ammaankeeda aad loo ilaaliyo, isla markaana ay ku xiran yihiin maxaabiis dambiyo kala duwan ku xukuman.

Wiixii waraer ah ee ku soo kordha wararkeena danbe kula soco insha alaah.

Maxamed Nuur Amiin

WardheerNews, Muqdisho