Muqdisho, Waxaa isa soo taraysa waxyeellada qaraxii xoogganaa ee shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac dad badan oo xiligaas ku sagnaa iyo goobta iyo burbur laxaad leh oo soo gaaray dhismayaashii halkaas ku yaallay.
Gaariga qaraxa loo adeegsaday ayaa la sheegay inuu ahaa gaari Xamuul ah, nooca TM ka loo yaqaan, isagoo laga soo buuxiyay walxaha qaraxa, ka dibna ku qarxay kasoo horjeedka Hay’adda Bisha Cas iyo Hotelka Safaari.
Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka ha helayno qaraxa ayaa sheegaya in dhimashadu ay gaarayso 85 qof iyadoo dad 130 qof ka badanina ay ku dhaawacmeen, halka ay weli la tuhunsanyahay in dad kale oo badani ay ku hoos jiraan burburka dhismayaasha halkaas ku yaalay.
Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo isbitaalka ku booqday dadkii ku waxyeelloobay qaraxa ayaa dhiig ugu deeqay isagoo islamarkaana ku baaqay 3 beri oo baroordiiq ah iyo calanka Soomaaliya hoos loo dhigo.
Ra’iisalwasaare Xasan Cali Khayre ayaa isna la sheegayaa in uu dib udhigay socdaal uu ku tegi lahaa dalka Turkiga oo hore loo sii qorsheeyay.
Qaraxan oo ah midkii ugu xumaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho tan iyo intii uu madaxweyne Farmaajo xukunka hayay ayaa shacabku isweydiinayaan sida ay baabuurka xamuulka ah ugu suurtogashay in uu ka soo gudbo baraha ciiddamada ammanku ku leeyihiin waddooyinka magaalada Muqdisho iyadoo dhawrkii bilood ee aan soo dhaafnay ay magaalada ka socdeen hawlgallad xasillinta ammaanka Muqdisho.
Urrurka xagjirka ah ee Alshabaab oo aalaaba isagu geysta qaraxyada noocan ah ayaan ilaa hadda wax wara ka soo saarin dhacdadan.
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.
Maxamed Nuur Amiin
Wardheernews, Muqdisho
Leave a Reply