Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda oo sheegay in muddo xileedkii Hay’adda Isgaarsiinta uu dhamaatey

Muqdisho (WDN)- Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda ee Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Cabdi Sheekh Axmed, ayaa maanta qoraal uu soo saarey ku sheegay in muddo xileedka hay’adda isgaarsiinta qaran uu dhamaadey kaasi oo ahaa muddo 4 sano ah.

Wasiirka ayaa ku wargeliyey dhamaan mas’uuliyiinta qaran iyo madaxda shirkadaha gaarka loo leeyahay ee isgaarsiinta, in muddo xileedka maamulka Hay’adda Isgaarsiinta Qaran oo la magacaabay 22 March 2018 ay shaqadiisa ku ekayd 22 March 2022. Waxa uuna wasiirka u mahadceliyey madaxdii hay’adda hawshii ay bulshada u qabteen afartii sano ay shaqaynayeen.

“Iyadoo la tixraacayo Qodobka 11-aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka ee dhigaya in muddada Xil-haynta Guddiga Maamulka Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka uu yahay muddo 4 sano ah mudda xileedka maamulka Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (Board of directors ), wuxuu uu ku ekaa 22 ka bishii Maajo,2022.” ayuu yiri Wasiirku. Waxa uuna intaa raaciyey in maamul kale oo hay’adda maamula lasoo magacaabi doono.

Halkan ka aqriso qoraalka Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.