Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamalka ayaa maanta booqasho kuyimidmagaaladaMuqdisho. Booqashadani ma ahayn mid horay loo sii Shaaciyay, waana tii ugu horreysay ee uu Sigmar Gabriel Soomaaliya ku yimaado.
Goroonka Muqdisho ayuu wasiirku kulan gaaban kula qaatay dhigdiisa Soomaaliya Yuusuf Garaad iyo sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Kulan ay si wada jir ugu qabteen Garoonka Aadan Cadde ayuu ka sheegay Sigmar Gabriel in ay sii laba jibbaari doonaan kaalmada Soomaaliya ay horay u siin jireen, taasi oo gaareysa 70 milyan oo lacagta Yurub ah.
Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday shirka London, waxa uuna sheegay in ay qaadan doonaan kaalintooda.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa isna sheegay in uga mahad celinayaan kaalmada Jarmalku ay siiyaan Soomaaliya, waxa uuna sheegay in ay aad u soo dhaweynayaan booqashada uu Soomaaliya ku yimid Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka Sigmar Gabriel.
Maxamed Nuur Amiin
Wardheernews, Muqdisho.