Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

WASIIRAD KHADRA A. DUCAALE – AFKAAGA CAANO LAGU QABAY

W/Q. Cabdi Dagal Faahiye

Wasiiraddii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Khadra A. Ducaale, waxay soo dhigtay baraha bulshada qoraal aad u qiimo iyo qaayo badan. Qoraalkaas wuxuu muujiyey geesinimo, waxgaradnimo, iyo isxilqaan laga waayay ku dhawaadka 70ka xubnood ee Golaha Wasiirada marka laga reebo Wasiirad Drs. Maryan Qaasim iyo Wasiir Cabdifitaax Ibrahim Geesey oo iskood isku casilay, kagadaal markay u adkeysan waayeen xadgudubka iyo xushmo-darada joogtada ah ee Ra’iisul Wasaare Xassan C. Khayre kula dhaqmo Golihiisa Wasiirada, Saraakiisha Sare ee Dowladda iyo shaqaalaha xafiiskiisa.

Wasiirad Drs. Maryan Qaasim markii ay iscasilaysay waxay sheegtay in Dowladda ay ka jirto isbarbaryaac iyo fawdo, iyada oo tiri “hadda waxaan uga tagey xilkii aan hayey waxaa igu adkaatay duruufta shaqo, anigu hay’ad sida looga shaqeeyo ayaan aqaanaa … laakiin shaqada markii ay is barbaryaac tahay wax walbo isku qasan yihiin, waxba kala baxsaneen madax wareer badan ayaa laga qaadayaa.”

Khadra A Ducaale iyo RW Kheyre

Wasiirad Khadra A. Ducaale waxay u hadashay dhammaan Madaxda iyo Saraakiisha Dowladda oo maalin kasta ku jira bahdil, cabbur, iyo handadaad isdaba-jooga oo ka imaaneysa Ra’iisul Wasaare Hassan A. Khayre. Wasiirad Khadra A. Ducaale waa qof laga filayay geesinimadaas maadaama ay ka soo jeeddo qoys Soomaaliya aad looga yaqaan taariikh fiican iyo sharafna ku leh.
Wasiirad Khadra waxay qeexday xaqiiqada jirta si daacad ah dhabtana ku saleysan, sida ay ila wadaageen xubno ka tirsan Xukuumadda Khayre oo ay ku jiraan Wasiirro iyo Saraakiil Sare.

Waxaan weydiiyey waxa ku kalifaya iney lasii shaqeeyaan shaqsi noocaas ah oo bahdil iyo xushmo-darro ku haya goor kasta iyo goob kasta. Waxaan xasuusiyay erayadii Madaxweyne Axmed Islaam Madoobe uu yiri oo ahaa waa dowlad doonaysa dad wada “NACAMLAYAAL” ah.

Jawaabahoodu wey kala duwanaayeen balse waxay badidoodu yiraahdeen “waxaan sugaynaa isbadal darajada looga qaado Ra’iisul Wasaare Khayre inuu yimaado”. Balse, markaan hoos ugu sii kuur galay, sababta ay dulinimada u aqbaleen, waa dano gaar ah oo nolosha la xiriira maadaama dhaqaale la’aan iyo ilaalo-amni la’aan ay ku adag tahay in Muqdisho ay ku joogaan dadka Madaxda Sare soo noqday, kuwana waa kuwa ka xoogsada siyaasadda oo aan laheyn karti iyo aqoon ay camal kale ku qabtaan.
Waxaan kaloo ka wareystay xubnaha Golaha Wasiirada iyo Saraakiisha Sare cabirka Wasiirad Khadra ee Xasan Khayre?

Waxay ii sheegeen inuu RW Khayre leeyahay dhammaan astaamaha Wasiirad Khadra ku sheegtay iyo kuwa ka sii xun, taasoo ay keeneyso kalsooni-darro naftiisa iyo cuqdad ragaaday oo uu qabo. Waxay yiraahdeen dadka wuxuu u bahdilaa si isagu ugu muuqdo qof ka sarreeya, ka caqli badan, kana karti badan.

Waa astaan dadkii horay u yaqaanay ay yiraahdeen lama-filaan ma’ahan oo horaa Soomaali ku maahmaahday “Nin waliba wuxuu ahaa ayuu u dhurtaa”. Waxay ku dareen dadka uu ugu bahdilka badan yahay waa kuwa uu ku tuhmayo iney yihiin dad asaga ka karti iyo aqoon badan iyo dadka uu u maleeyo iney Madaxweynaha dhankiisa xiriir la leeyihiin.

Xubnaha Golaha Wasiiradda iyo Saraakiisha Sare ayagoo hadalkoodi sii wata, waxay yiraahdeen marka uu bahdil iyo xushmo-darro ku sameeyo dadka wuu ku farxaa, kuna faanaa asagoo yiraahda bal arag saan u galay! Waxay kaloo ku dareen hadalkoodi, maadaama Khayre uu yahay qof aan laheyn xikmad, hal abuur, aqoon iyo khibrad shaqo oo dhab ah, uu ku qariyo daldalooladiisa handadaadda, bahdilka, faanka- waa markii ugu horeysay…, khudbadaha aan nuxurka iyo ujeedada laheyn- ma horaan u soconaa mise gadaal … iyo wax la mid ah. Sidoo kale waxay yiraahdeen aamusnaanteenna wuxuu u heystaa iney taageero tahay oo waa doqontii loogu maahmaahay “Doqoni hooska dadka ayey har moodaa.”

Hadaba, waxaa isweydiin mudan, sidee ku dhacday shaqsi sifahaaa leh inuu dalka ka noqdo Ra’iisul Wasaare. Jawaabtu meel dheer ma jirto oo Madaxweynaha dalka oo magacaabay Haxan Cali Khayre, ayaa ku khudbeeyay “ waxaan keenay Ra’iisul Wasaare aniga iga wanaagsan (2:58).”

Golaha Wasiiradda RW Kheyre

Hadal kale oo laga daba oran karaa majiro wuxuu Madaxweyne Farmaajo caddeeyey inuu ka sii liito Xasan Cali. Khayre oo sifooyinka kor ku xusan leh sidoo kalena ninkii laga wanaagsan yahay ninka ka wanaagsan wax uma sheegi karo.

Ugu dambeyn, waxay xubnaha Golaha Wasiirada iyo Saraakiisha Sare hadal-koodi ku soo gunaanadeen, Ra’iisul Wasaare Khayre wuxuu qabaa damac aan xad laheyn oo qar iska tuur ah oo keeni doona in asaga iyo Madaxweyne Farmaajo isku dhacaan, taasoo saansaan keedi muuqdo maadaama la isku hayo hadda:

1) Mas’uuliyadda fashilka Dowlada, amniga iyo musuq-maasuqa
2) Hoggaanka Bangiga Dhexe,
3) Qorshaha doorashooyinka,
4) Damaca musharaxnimo ee Khayre,
5) Fashilka siyaasadda arrimaha dibadda iyo arrimo kale.

Gunaanad:

Waxaa guubaabin iyo mahadcelin mudan Wasiirad Khadra A. Ducaale oo tustay shacabka Soomaaliyeed waxa uu yahay Xasan Khayre iyo khatarta wadanku ku sugan yahay inta uu hayo hogaanka Xukuumadda.

Cabdi Dagal Faahiye
Email: [email protected]
Independent Researcher/Consultant


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.