Thursday, April 18, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Wasiir Oomaar Waa La Arooriyay

W/Q Xasan Keynaan

Hullaabanaha Buurta Islawaynida Saaran

Wasiirradda Farmaajo iyo Khayre fiira gaara ha loo yeesho. Waxaa saf u maray cudur aan la garanayn laakiin astaamihiisa la tilmaami karo. Iyagoo mid walba uu caaddi yahay oo uu shaqo iyo nolol caaddi ah ku jiro, ayaa waxaa u yeedhay hullaabane saaran buurta dunida ugu dheer ee isla waynida iyo dayowga (the Everest of Delusion). Dabeed wuu wada arooriyay, wuxuna ku yidhi buurta gunteeda ka hawl gala amarrada aan guradeeda ( korkeeda) ka soo laliyana fuliya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada
Maxamad Salaad Oomaar

Sidii Fircoon ayuu hullaabane Farmaajo ku yidhi: Anaa Allihiinna sarreeya ah ee I adeeca. Iyaguna way ajiibeen. Garasho, miyir, masuuliyad, xishood, xaqsoor, waayeelnimo, run, garqaadasho, geesinimo, waddaniyad, naxariis, damqasho, wax-iskula-hadh iyo Allah ka cabsi daaqaday ka wada tuureen. Tu kale iska daaye toodii bay gabeen. Xeer kasta oo wax lagu ahaa way jabiyeen. Xudduud kasta oo lagu asurna way jiireen. Mid walba siduu u lahaa Hullaabanaha buurta waallida saaran iska dhis oo is maqashii ayuu daal iyo xiiq la il daran yahay. Ismana oga. 

Hangoolka Dhexe

Hullaabanaha buurta guradeeda saaran iyo qawsaarrada siyaasadeed ee gunteeda ka hawl gala, waxaa u dhexeeya hangool magaciisa la yidhaa Khayre. Hangoolkaa ayuu marba midkuu rabo ku soo qabtaa midkuuna rabinna dhanka farraaqda leh ayuu cunaha ka galiyaa. 

Hangool

Dhawaan ayay ahayd maalintii Wasiir Oomaar hangoolka lagu soo qabtay ee la yidhi ku aaway?. Anigu Wasiirka waxaa iigu horraysay markii uu Jigjiga u yimid inuu ka qaybgalo aaskii Abwaan Singub. Laakiin maalmo ka dib wuxuu Jigjiga ka billaabay ol’ole siyaasadeed. Sida la ii xaqiijiyay, wuxuu martiqaaday odayo wuxuuna u sheegay inuu u sharraxanyahay Madaxwaynaha Jubbaland. Waxaa garbaha kaga jiray rag aad loo garanayo. Sababta uu Itoobiya u yimid iyo sababta uu Musharraxnimadiisa Jigjiga uga iclaamiyay midna isaga kama iman. Buurta waallida ayaa laga soo amray.

Wixii uu wasiir Oomaar dhawaan ku hadlay iyo fasiraaddii uu ka bixiyay xayiraadda duullimaadyada ee Farmaajo uu ku soo rogay shacabka Jubbaland, wuxay muujinayaan inuu Wasiirku yahay nin la arooriyay oo hangool ku taagan yahay. Wasiir Oomaarow:

1. Waxaad cayaaraysaa shax lagugu soo tukhaantukhiyay oo aanad garanaynin abjadkeeda iyo halka ay ku dhammaanayso. 

2. Mu’aamarooyinka iyo dhagaraha hullaabane Farmaajo iyo hangool Khayre ee lagu dibindaabyeeyo Jubbaland lagaalama tashan. Laakiin waxaad laguu diray fulintooda. 

3. Dambiyada iyo hagardaamooyinka loola badheedhay shacabka Jubbaland adigu dusha ha u ridan. 

4. Waxaa ku magacacawday daadcadna aad u tahay Hullaabane Farmaajo. Waxaa ku hawl galiya hangool Khayre. Shacabka Jubbaland kuma dooran dantoodana ehel uma tihid. Dadka Jubbaland qaar ayaad isku hayb tihiin. Laakiin Hulaabane Farmaajo oo Jubbaland duullaan ku ah ayaad isku hadaf tihiin.

5. Hullaabane Farmaajo iyo koox ay isku hayb yihiin ayaa go’aansaday inaanay oggolanayn in Madaxwayne Axmed Islaan dib loo doorto . ‘Farmaajow intaad Madaxwayne tahay Axmad Islaan na dhaafi’ ayaa loola tegay isna wuu aqbalay. Adigu  mashruucaas ayaad qandaraasle ka tahay? Ragbaa is hayee isu daa waxay kala helaan. 

6. Dalka aad amnigiisa ilaalinayso waa dalkee? Fadlan ixtiraam cagliga dadka aad la hadlayso. Kismaayo waa magaalada ugu amni fiican dalka. Dhooblayna waa sidaa, Waa wax laga xumaado inaad dad la hortimaado amnibaan ilaalilayna.

7. Madaxwayne Axmad Islaan waa hoggaamiye ka waddanisan kana Soomaalisan Hulaabane Farmaajo  iyo gowracatadiisa. Haddii uu han siyaasadeed kugu jiro adigu toos ula tartan Madaxwayne Axmad. Laakiin daab ha u noqon mindida uu Hullaabane Farmaajo guntiga ku haysto.

8. Godka dhagarta mar labaad ha ku dagmin. Xusuuso ceebtii 6dii September 2017 markii Golaha Wasiiradda degdeg la isugu yeedhay ee lagu amray inay qiil u bixiyaan garbaduubkii Muwaadin Qalbidhagax. Shirkaa waa fadhiday. Waxaa hadda soo baxay warar sheegaya in Garbaduudkii sharci darrada ahaa uu qayb ka ahaa mu’aamaro weyn oo lala damacsanaa shacabka iyo hoggaanka Jubbaland.

Mu’aamaradaa waxaa fashilyay shacabka Soomaaliyeed iyo Baarlamaanka Federaalka. Mar uun wax waa la iska waydiin doonaa waxaad ka ogayd iyo kaalintii aad ku lahayd..

9. Ninka kuu boqran wuu qaawan yahay. The emperor has no clothes.

Isma ogide marada aad ceebtiisa ku astur leedahay adaa u baahan. Bal hoos isu eeg.

‘Maxaan dhimay dhagoolaha haddaan Dhiillo maqashiiyay.’

Xasan Keynaan
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.