Muqdishu (WDN)- Waxaa magaalada Muqdisho goordhaw oo caawa ah lagu dilay Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska ee Xukuumada Soomaaliya Md. Cabaas Siraaji.

Dilka wasiirka waxa uu ka dhacay Iridka laga galo Madaxtooyada Soomaaliya waxaana gaari uu saarnaa rasaaseeyay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka shakiyay Gaariga Wasiirka.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Gaariga Wasiirka saarnaa oo ahaa kuwa raaxada uu ku dhowaaday gaari kale oo ay saarnaayeen ciidamo hubeysan oo ilaalo u ahaa Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka.
Warar ay heshay Wardheernews ayaa waxa ay sheegaya in ciidanka Ammaanka ee Iridka Madaxtooyada ay gacanta ku dhigeen ciidanka dilka u geystay Wassir Cabaas.
Allaha u naxariistee Cabaas Siraaji ayaa ka mid ahaa dhalinyaradii ku soo biirtay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isga oo ku dashay kuna soo barbaaray xeryaha Qaxootiga ee Kenya. Marxuumka waxaa laga soo doortay deegaanada maamul goboleedka Jubbaland.
Dhanka kale madaxda Qaranka ayaa tacsiya u diray Ehelka iyo dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Wasiirkii Howlada Guud ee Xukuumada Soomaaliya.
Maxamed Nuur Amiin
Wardheernews Muqdisho
Leave a Reply